Home » Horyaalada » Bundesliga » Hordhac: B. Dortmund vs B. Munich: Kooxaha Ugu Sareeya Bundesliga Oo Maanta Is Wajahaya

Hordhac: B. Dortmund vs B. Munich: Kooxaha Ugu Sareeya Bundesliga Oo Maanta Is Wajahaya


FBL-EUR-C1-BAYERN-DORTMUND

Kooxda jahawareersan ee Borrusia Dortmund ayaa soo dhaweyn doonta hogaamiyayaasha horyaalka Bundesliga Bayern Munich kulan, waana mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan leh ee isbuucaan ka dhacaya qaarada yurub.

Wiilasha Klopp ayaa hoos u dhacay sanadkaan iyagoo fadhiya booska 10-aad ee horyaalka waxeyna dhibco ahaan u jiraan Bayern 31-dhibcood.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: B. Dortmund vs B. Munich

Tartanka: Bundesliga

Garoonka: Signal Iduna Park

Saacadda: 7:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN YAASE CIYAARI DOONA:

Bayern ayaa weyn doonta daafacooda David Alaba kaas oo ku dhaawacmay ciyaarahii qaranka ee todobaadyadii ugu dambeeyay la ciyaaray sidoo kale Ribery iyo Robben ayaa iyaguna dhibaatooyin qaba.

MA OGTAHAY:

Dortmund wax guul ah ma gaarin lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay xiliga fiidkii ciyaartay maalmaha sabtida (3-guuldaro) iyo (3-barbaro). Halka Bayern ay kaliya hal guuldaro la kulantay 19-kii kulan oo ay isla waqtigaas ciyaartay, waxaan xusid mudan iney mid ka mid ah kulamadaas 3-0 ku garacday Dortmund 12-kii April 2014.

Dortmund ayaa aruursatay 18-dhibcood, 9-kulan oo ay ciyaartay Bundesliga sanadkaan 2015, waana in ka badan sadex dhibcood 3-dhibcood, dhibcaha ay aruursatay 17-kii kulan ee ka horeeyay.

Dortmund ayaa ah kooxda labaad ee ugu difaaca adag sanadka 2015-ka kadib markii kaliya laga dhaliyay 7-gool, waxaana ka horeeya Gladbach oo laga dhaliyay 4-gool.

Mario Goetze iyo Roberto Lewandowski ayaa dib ugu soo laabanaya garoonka Signal Iduna Park iyadoo la xasuusto iney guulo la qeybsadeen Dortmund sanadahii farxada tan iyo 2013.

Pep Guardiola ayuu kulankaan uu u noqonayaa midkii 61-aad, wuxuuna helay 50-guulood waana rikoor heer sare ah oo Bundesliga ah.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

BORRUSIA DORTMUND:

Predicted Borussia Dortmund lineup vs Bayern Munich on 04/04/2015

BAYERN MUNICH:

Predicted Bayern Munich lineup vs Borussia Dortmund on 04/04/2015

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>