Home » Horyaalada » La Liga Spain » Hordhac: Barcelona vs Atletico Madrid: Mar Kale Enrique Iyo Simeone Oo Isku Wajahi Doona Copa del Rey

Hordhac: Barcelona vs Atletico Madrid: Mar Kale Enrique Iyo Simeone Oo Isku Wajahi Doona Copa del Rey


FC-Barcelona-vs-Atletico-Madrid-2014-2015-Liga-BBVA-Wallpaper

 

Barcelona ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta Atletico Madrid kulan ka tirsan Copa del Rey lugta hore waana wareega Quater Finalka.

Barcelona waxey ku naalooneysaa guulo ay gaareysay todobaadyadii ugu dambeeyay halka Atletico Madrid ay la mid tahay inkastoo kulankii ka dhacay Camp Nou ee dhexmaray labadaan kooxood kulankii La Liga uu ku dhamaaday 3-1 oo ay Barcelona guusha ku raacday.

Luis Suarez, Lionel Messi iyo Neymar JR ayaa dhamaan shabaqa soo wada taabtay kulankii labadan kooxood ku dhexmaray Camp Nou 11-kii January.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Atletico Madrid

Tartanka: Copa del Rey

Garoonka: Camp Nou

Saacadda: 12:00 Habeenimo Saqda Dhexe (Xiliga Geeska Afrika)


Xavi Hernandez ayaa dib ugu soo laabanaya kooxdiisa kadib markii uu seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay madama uu canqawga ka dhaawacnaa, sidoo kalana Mathieu ayaa isna wali ka maqnaan doona Barcelona.

Dhanka kale Atletico Madrid ayaa ku faa’iiday amaahda Fernando Torres iyadoo Raul Garcia uu aaminsan yahay in xidigaan reer Spain uu kooxda awood siiyay.

Atletico Madrid ayaa dooneysa iney ku guuleysato tartankaan markii labaad mudo sadex sanadood ah madam ay ku guuleysatay sanadii 2013.

Fernando Torres ayaa dhaliyay laba gool kulan ay kooxdiisa si tartiib ah ugu soo baxday wareegaan iyagoo soo qaarijiyay Real Madrid.

Torres ayaa ku sugan Atletico Madrid bishaan January, wuxuuna dhaliyay goolal ka badan lix bilood oo uu ku sugnaa garoonka Sansiro.

Barcelona ayaa todobaadkii hore guul ka gaartay Atletico Madrid kulan ka dhacay Camp Nou, waxaana lagu suldaaray 3-1, Messi, Suarez iyo Neymar ayaana kala dhaliyay sadexda gool.

Lionel Messi ayaa todobaadkaan dhaliyay sadexleydiisii 30-aad ee Barcelona, iyo kii 22-aad ee horyaalka La Liga markii ay Barcelona xaaqday Deportivo.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Barcelona (4-3-3):

ter Stegen; Alves, Bartra, Piqué, Alba; Busquets, Rakitić, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar

Atletico (4-2-2-2):

Oblak; Juanfran, Miranda, Godin, Siqueira; Mario Suarez, Koke; Arda, Griezmann; Torres, Mandzukic

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>