Dunida waxay qabtaa in caawo kooxda Barcelona u gudbi doonto Finalaha Champion-ka madaama kooxda reer Spain kulankii hore 3-0 guusha ku qaadatay lugta kowaad ee Semi Finalaha.
Balse Thomas Muller ayaa arin kale isagana aaminsan wuxuuna ka dhawaajiyay inay caawo aduuka ka yaabin doonaan!
Ka hor kulankan Muller oo saxaafada la hadlay wuxuu yiri “Waa run dunida waxay aaminsan tahay in Barcelona caawo soo bixi doonto balse anagana waxaan dooneynaa inaan caalamka ka yaabino!”
Inkastoo Muller hadal guubaabo ku dheehan ku hadlay hadana gudoomiyaha Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge duco oo kaliya ayuu kooxdiisa la garab taagan yahay wuxuuna yiri “Waxaan ugu duceynaa kooxdeyda caawo qarnigan kulankii ugu mucjisada badnaa inay caalamka tusaan!”
Dhanka kale macalin Luis Enrique ayaa isku kalsoon wuxuuna ka dajiyay culeeska xidigahisa asigoo shirkiisa jaraa’id ku goodiyay in Barcelona aan gool laga celin karin.
Wuxuuna yiri “Waxaan heestaa xidigaha aduunka ugu wanaagsan dhanka weerar celiska marka damaanad qaad ayaan heesanaa inaan caawo goolal dhalin karno!”
Yaa Maqan Yaase Cayaari Karo Kulankan Xiisaha Badan:
Pep Guardiola kooxdiisa waxba iskama badalin xaalkooda waxaana ka maqnaan doonaan 6-cayaaryahan oo muhiim u ah kooxdan: David Alaba, Holger Badstuber, Franck Ribery, Arjen Robben, Sebastian Rode iyo Tom Starke.
Balse waxaa la filaa inuu shaxdiisa wax ka badalo kuna soo bilaabo kulankan Gotze iyo Javi Martinez sidoo kalena Lahm garabka midig ayuu celin doonaa.
Dhanka macalin Luis Enrique culees ma saarno sidoo kalena kooxdiisa dhibaato dhanka cayaartooyda ah ma qabto.
Waxaana la filaa inuu kusoo bilaabo 11-kii cayaaryahan ee uu todobaadkii hore Bayern Munich kala hortagay weliba goolhaye Marc-Andre ter Stegen ayaa goosha kusoo laaban doono madaama uusan kulankii La Ligaha cayaarin.
Dhacdooyinkan Kulan Muhiim U Ah:
Barcelona 8-kulan ee ugu dambeesay oo ay cayaartay dhamaan tartamada kala duwan wey guuleesatay sidoo kalena waxayna dhaliyeen 28-gool sidoo kalena todobo kulan wax gool ah lagama dhalinin.
Pep Guardiola todobaadkan guuldaradii 4-aad oo xariir ah ayaa ku dhacday kooxdiisa waana markii ugu horeesay ee uu guuldaro xariir ah oo 4-kulan laga badiyo macalinkan.
Bayern Munich waxay Finalaha gaartay 4-ka mid ah 5-jeer ee ugu dambeesay oo ay tartankan Semi Final usoo gudubtay.
Ma jirto koox lugtii hore 3-0 looga badiyay kulamada kala baxa Champion-ka oo lugtii labaad soo baxday taariikh ahaan sidaa darteed Barcelona waxay heesataa damaanad qaad 100% ah inay Finalka u gudbi doonto taariikh ahaan!
Line Up-ka ayay labadan naadi caawo kusoo gali doonaan:
Bayern Munich:
Neuer; Rafinha, Boateng, Benatia, Lahm; Schweinsteiger, Alonso, Thiago; Muller, Lewandowski, Gotze.
Barcelona:
Ter Stegen; Alves, Pique, Mascherano, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Neymar, Suarez, Messi