Home » Falanqeynta » Hordhac: Celta Vigo vs Barcelona: Wax Walba Ka Ogow Kulanka Ay Barca Martida Ku Tahay Balaídos

Hordhac: Celta Vigo vs Barcelona: Wax Walba Ka Ogow Kulanka Ay Barca Martida Ku Tahay Balaídos


Celta-Vigo-vs-Barcelona

Barcelona ayaa caawa marti ah waxeyna ka hortageysa kooxda Celta Vigo iyadoo dooneysa iney adkeysato hogaanka horyaalka waxeyna wali ku naalooneysaa guushii El-Clasico oo ay ka gaareen Real Madrid kulankii ugu dambeeyay horyaalka La Liga.

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu kulankaan taam u yahay walow go’aanka ah inuu kusoo bilaabanayo uu go’aan ka gaari karo macalin Luis Enrique.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Celta Vigo vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Garoonka: Balaídos

Saacadda: 10:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Warka xun ee Barcelona usoo yeeray ayaa ah in Javier Mascherano uu ganaax ku seegi doono kulankaan, Busquets dhaawac kasoo labanaya, sidoo kalana Jordi Alba ayaa isna dhaawac ah, Goolhaye Claudio Bravo ayaa isna taam ah halka Vermaelen uu isna ka maqan yahay Barca.

Dhanka kale Celta Vigo ayaa weyneysa David Costas, Planas, Levy Madinda iyo Borja Oubina.

KULANKII UGU DAMABEEYAY:

FC Barcelona 0-1 Celta Vigo – 1st November 2014 – La Liga

Gool uu dhaliyay Joaquin Larrivey ayaa kaga filnaaday kooxda Celta Vigo iney guuldaro naxdin leh Barcelona ku gaarsiiso garoonkeeda Camp Nou, weyna ku celin kartaa mar kale.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Barcelona (4-3-3):

Bravo; Alves, Piqué, Mathieu, Adriano; Busquets, Xavi, Rafinha; Messi, Suarez, Neymar

Celta Vigo (4-3-3):

Alvarez; Mallo, Gomez, Cabral, Castro; Fontas, Hernández, Radoja; Orellana, Larrivey, Nolito

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>