Home » Falanqeynta » Hordhac: Chelsea vs Liverpool: Reds Oo U Mashxaradi Doonta Boqoradda Ingiriiska Xili Ciyaareedkaan

Hordhac: Chelsea vs Liverpool: Reds Oo U Mashxaradi Doonta Boqoradda Ingiriiska Xili Ciyaareedkaan


Chelsea-vs-Liverpool

Liverpool ayaa sameyn doonta caadadii caanka ka aheyd horyaalka Ingiriiska taasoo ah in loo sacab tumo koox walba oo ku guuleysata horyaalka kulamada u haray, wiilasha Rodgers ayaana u safan doona si ay usoo dhaweeyaan Blues iyo macalinkooda Jose Mourinho.

Iyadoo ay taasi jirto hadana Liverpool waxey dagaal aan naf badan laheyn ugu jirtaa tartanka loogu soo baxayo koobka horyaalada yurub.

Hadii ay guuldaro la kulanto waxey xaqiijineysa iney weysay booska afaraad ee Champions League-ga, halka guul ay gaarto ay galin karto rajo 30% ah.

Mourinho dhaqanka ah in loo sacabtumo ma jeleysan balse waa sheeko la sameyn doono maanta.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs Liverpool

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONO?

Diego Costa ayaa seegi doona kulankaan, iyadoo sidoo kale shaki la galinayo Ramires waxaana sidoo kale maqnaan doona Oscar, inkastoo laga yaabo in ciyaartoy badan uu nasiyo Mourinho. Dhanka kale Liverpool waxaa ka maqnaan doona Daniel Sturridge oo mareykanka ku maqan,, sidoo kale Sakho ayaa wali dhaawac ah.

MA OGTAHAY:

Branden Rodgers waligiis ma garaacin Chelsea isagoo macalin ah 10-jeer ayuu ka hor yimid 4-barbardhac iyo 6-guuldaro ayuu kala kulmay.

Jordan Henderson ayaa Stamford Bridge ku ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay EPL-ka isagoo ka tirsan Sunderland 2008, waxaana markaas lagu garaacay 5-0 kooxdiisa.

Steven Gerrard kaliya hal gool ayuu ka dhaliyay Chelsea 39-kulan oo uu k ahor yimid wuxuuna goolkaas ka dhaliyay sanadii 2005.

Adam Lallana ayaa u dabaal dagaya dhalashadiisa 27-aad kulanka Maanta.

Goolkii ugu horeeyay oo uu Kolo Toure ka dhaliyo EPL-ka wuxuu yimid sanadii 2002 wuxuuna ku dhaliyay Stamford Bridge kulan 1-1 ku dhamaaday isagoo ka tirsan Arsenal.

Ciyaariyahankii ugu dambeeyay oo Casaan qaato kulan labada naadi u dhaxeeya wuxuu ahaa Pepe Reina sanadii 2006 wuxuuna ka dhacay kulankaas Stamford Bridge.

Markii ugu dambeysay oo xidig Liverpool ah uu sadexley ka dhaliyay Chelsea waxey aheyd sanadii 1997 waxaana dhaliyay Patrik Berger.

Jose Mourinho kaliya hal guuldaro ayuu kala kulmay Liverpool 10-jeer oo uu ka hortagay kulamada horyaalka.

Guuldaradaasna waxey timid January 2007 kulan ka dhacay Anfield oo kusoo dhamaaday 2-0, Dirk Kuyt iyo Pennant ayaana dhaliyay.

Daafacyada Chelsea 19-gool ayey dhaliyeen sidoo kalana 16-caawinaad ah ayey sameeyeen xili ciyaareedkaan.

Markii ugu dambeysay oo xidig Chelsea ka tirsan uu sadexley ka dhaliyo Liverpool waxey aheyd 1953-dii waxaana dhaliyay Roy Bentley.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Courtois; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Fabregas, Matic; Willian, Cuadrado, Hazard; Remy

Liverpool:

Mignolet; Can, Skrtel, Lovren, Johnson; Gerrard, Allen, Henderson; Sterling, Coutinho, Ibe

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>