Home » Europe » Champions League » Hordhac: Chelsea vs PSG: Ma Dhici Doonan Wixii Dhacay Sanadkii Hore Mise Waji Kala Imaan Doona

Hordhac: Chelsea vs PSG: Ma Dhici Doonan Wixii Dhacay Sanadkii Hore Mise Waji Kala Imaan Doona


Chelsea-VS-Paris-Saint-Germain-PSG

Chelsea ayaa buundada kusoo dhaweyn doonta kooxda reer France ee Paris Saint Germain iyadoo la wada xasuusto in kulankii ka dhacay Parc des Princess uu kusoo idlaaday barbaro 1-1.

Waxeyna faa’iido ugu jirtay Blues, sidoo kalana sanadii hore ayey labada koox isku wajaheen tartankaan wareega quater finalka waxaana soo baxay Blues xiligaas. lama oga hadii sheekada sidii hore noqon doonto iyo hadii isbadal imaan doono balse kulanka waa mid culeeskiisa leh oo ay labada kooxood muujin doonaan kartidooda.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs PSG

Tartanka: Uefa Champions League

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONO?

Nemanja Matic ayaa shaki la galinayaa inuu ciyaaro madam uu dhaawacan yahay, sidoo kalana Mikel ayaa gabi ahaan maqan, halka Cesc, Filipe Luis iyo Ivanovic ay hal jaale u jiraan iney seegaan lugta hore quater finalka hadii ay soo baxaan.

Dhanka kale Lucas Moura iyo Aurier ayaan safarkaan aadi doonin, halka Yohan Cabaye uu diyaar yahay, sidoo kalana Verratti iyo Van der Wiel ayaa seegi doona lugta hore quater finalka hadii ay jaale qaataan oo ay soo gudbaan.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea iyo Porto ayaa ah labada kooxood ee aan ilaa iyo haatan laga badin champions league xili ciyaareedkaan.

Didier Drogba ayaa dhaliyay shan gool 7-kulan oo uu ka hor yimid PSG isagoo xiran maaliyadaha (Marsielle, Guingamp iyo Chelsea).

Eden Hazard ayaa lagu galay 28-qalad xili ciyaareedkaan Champions League, 9-ka mid ah kulankii lugta hore PSG ayaa lagu galay waana rikoor u yaala.

PSG ayaa dooneysa iney sanadkii labaad oo xiriir ah u gudubto wareega Quater Finalka iyadoo sanadii hore ka gudubtay Leverkusen.

Edinson Cavani ayaa dhaliyay 6-gool, 7-kulan oo uu saftay Champions League xili ciyaareedkaan.

Labadaan kooxood ayaa lix jeer horay u kulmay, laba jeerna waxey ku kulmeen London.

Zlatan Ibrahimaovic ayaa dhaliyay 7-gool, kaliya 34-kulan oo uu ciyaaray wareegyada kala harka tartankaan.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Chelsea: Courtois; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Zouma, Ramires, Fabregas, Oscar, Hazard; Costa

Paris Saint Germain: Sirigu; Van der Wiel, Camara, David Luiz, Maxwell; Verratti, Matuidi, Thiago Silva, Rabiot; Ibrahimovic, Cavani

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>