Home » Falanqeynta » Hordhac: Chelsea vs Stoke City: Costa Oo Taam Ah Iyo Mourinho Oo Doonaya Inuu Kusii Durgo Hogaanka Horyaalka

Hordhac: Chelsea vs Stoke City: Costa Oo Taam Ah Iyo Mourinho Oo Doonaya Inuu Kusii Durgo Hogaanka Horyaalka


Chelsea-vs-Stoke-City

Chelsea ayaa dib u heleysa dagaalyahankooda reer Spain Diego Costa xili dhaawac looga saaray kulankii ugu dambeeyay ee Hull City, Blues ayaana diyaar u ah iney dagaal adag u gasho horyaalka ku guuleysigiisa.

Blues haatan waxey horyaalka ku heysaa lix dhibcood iyadoo kulan baaqi ah heysata, sidoo kalana waxey fursad heysataa iney hogaanka dheereysato maanta madama City aysan ciyaari doonin.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs Stoke City

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Saacada: 7:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONO?

Chelsea kaliya walwalka ay qabtay wuxuu ahaa Diego Costa, balse Jose Mourinho ayaa qiray in xidigiisa uu taam u yahay kulankaan.

Walters iyo Muniesta ayaa dhaawac kasoo kabanaya iyadoo sidoo kale Stoke ay dib u heleyso Victor Mosses balse kama hortagi karo kooxdisii hore.

MA OGTAHAY:

Chelsea ayaa ah kooxda kaliya ee afarta heer ee Ingiriiska ka ciyaarta isla markaana aan guuldaro lagu gaarsiin gurigeeda xili ciyaareedkaan.

Stoke City ayaa ku fashilmay iney gool ka dhaliyaan lix kulan, 7-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay la kulmaan Blues

Chelsea ayaa guuleysatay 10-jeer, halka ay guuldaro la kulantay 1-jeer, 13-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay horyaalka la ciyaartay Stoke City.

Stoke City ayaa dhalisay kaliya 97-gool taariikhda EPL-ka kulamada ay banaanka kusoo ciyaarto.

Blues ayaa gurigooda gool looga dhaliyay 8-kulan, 22-kulan oo ay ku ciyaareen, balse 16-jeer ayaan shabaqooda lasoo taaban.

Chelsea ayaa shabaqeeda ka ilaashatay Stoke City shantii kulan ee ugu dambeysay.

Peter Crouch ayaa dhaliyay kaliya 7-gool xili ciyaareedkaan, waxeyna Stoke ka heshay 9-dhibcood, halak 19-gool oo uu dhaliyay Diego Costa ay Blues ka heshay 8-dhibcood.

Chelsea ayaa ah kooxda ugu badan ee gool ku daah furta kulamada, waxeyna hogaanka qabteen 23-kulan.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Courtois; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Matic, Fabregas; Hazard, Oscar, Willian; Costa

Stoke City:

Begovic; Bardsley, Wollscheid, Shawcross, Pieters; Whelan, N’Zonzi; Arnautovic, Adam, Diouf; Walters

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>