Home » Falanqeynta » Hordhac: Chelsea vs West Brom: Blues Oo Dooneysa Iney Xajisato Hogaanka Horyaalka

Hordhac: Chelsea vs West Brom: Blues Oo Dooneysa Iney Xajisato Hogaanka Horyaalka


chelsea-vs-west-brom

Isbuucyo lakala maqnaa kadib dib waxaa u bilaaban doona horyaalada yurub, Blues ayaana maanta gurigeeda kusoo dhaweyn doonta West Brom kulan ka tirsan EPL-ka iyadoo labada kooxoodba ay si qurux badan ku bilowdeen horyaalka xiligaan, walow kooxda hogaanka u heysa horyaalka Chelsea ay muujisay iney tahay mida ugu cad-cad horyaalka.

Blues wali guuldaro lama kulmin xitaa hadii ay booqatay garoomada Old Trafford, Etihad Stadium iyo Anfield Road, waxeyna haatan 4-dhibcood ka sareysaa Southampton oo iyana la ciyaareysa Aston Villa isniinta.

West Brom haatan waxey ku jirtaa booska 13-aad iyadoo hal dhibic kaliya ka hooseysa kooxaha Liverpool iyo Tottenam Hotspur, waxeyna barbaro gurigooda kula galeen Manchester United.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs West Brom

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Cesc Fabregas oo ciyaarahii qaranka dhaawac ku seegay ayaa la rajeynayaa inuu kulankaan taam u noqdo halka Schurrle iyo Ramires shaki la galinayo safashadooda, halka Jose Mourinho la filayo inuu nasiyo Diego Costa si uu nasiino u helo.

West Brom ayaa soo dhaweyn doonta Varela, halka Olsson uu dib ugu soo laabtay, waxaana sidoo kale la rajeynayaa in dib looga yeero kooxda Sessengnon.

MA OGTAHAY:

West Brom kaliya hal kulan ayey guuldaro kala kulantay Chelsea shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay labada kooxood is arkaan.

Chelsea kaliya sadex kulan ayaan shabaqooda la taaban taas oo ah layaab madama ay awood ku hogaamineyso horyaalka EPL-ka.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

CHESLEA:

Courtois; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Matic, Ramires; Hazard, Oscar, Willian, Costa

WEST BROM:

Foster; Wisdom, Dawson, Lescott, Davidson; Dorrans, Morrison, Gardner, Brunt; Sessegnon, Berahino

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>