Home » Latin America » Hordhac: Chile vs Ecuador: Tartanka Copa America Oo Caawa Saqda Dhexe Ka Furmi Doona Dalka Chile

Hordhac: Chile vs Ecuador: Tartanka Copa America Oo Caawa Saqda Dhexe Ka Furmi Doona Dalka Chile


Chile vs Ecuador

Caawa saqda dhexe xiliga Geeska Afrika waxaa magaalada Santiago ee caasimada u ah dalka Chile si rasmi ah uga furmi doona Koobka Copa America kaas oo ay u tahay markiisii 44-aad oo la qabto taariikhda waxaana nasiib u yeeshay iney kulanka furitaaka iska hor yimaadaan caawa xulalka Chile iyo Ecuador.

Xulka Chile waa martigaliyaha tartankaan waana xulka heli doona taageerada ugu badan koobkaan, balse sidoo kale waxaa sadaasha ugu badan la siinayaa Argentina iyo Brazil oo ay kala hogaaminayaan lamaanaha Barcelona, Neymar JR iyo Lionel Messi.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chile vs Ecuador

Tartanka: Copa America

Garoonka: Estadio Nacional

Saacadda: 2:30 Saqda Dhexe (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

War xun ayaa usoo yeeray xulka Ecuador kadib markii ay maqleen in Antonio Valencia uusan taam u aheen kulankaan, xidigaan Manchester United ka tirsan waxaa xanuun uu ka qabaa canqawga, sido kalana Ecuador waxey weynayaan weerayahankooda Felipe Caicedo iyo xidiga khadka dhexe Michael Arroyo.

Enner Valencia iyo Jefferson Montero ayaa labduba diyaar ah kuwaas oo xili ciyaared fiican ku qaatay EPL-ka.

Dhanka kale Chile waxaa shaki la galinaayaa in Vidal uu safto kaas oo aad u daalan sidoo kalana xanuuno yaryar qaba, waxaana macquul ah inaan la dooran caawa.

Dhaawacyada Esteban Parades iyo Carlos Carmona ayaa sahli kara in macalin Sampaoli uu soo doorto xidigii hore Liverpool Mark Gonzales kaas oo 51-kulan u saftay xulkaan.

MA OGTAHAY:

Guud ahaan xulalkaan waxey kulmeen 50-kulan, iyadoo Chile ay tahay kooxda awooda badan mar walba 27-jeer ayeyna ka badiyeen Ecuador.

Markii ugu dambeysay oo ay tartankaan isku arkaan waxey aheyd 2007, markaasna waxa guul ciriiri ah oo 3-2 ah ku badiyay Chile oo goolka guusha uga mahad celineysa Humberto Suazo.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

CHILE: 

Bravo; Silva, Medel, Jara; Isla, Beausejour, Aranguiz, Mena, Vidal; Vargas, Sanchez

ECUADOR:

Dominguez; Paredes, Ayovi, Mina, Achilier; Martinez, Noboa, Lastra, Bolanos, Montero; Valencia

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>