Home » Europe » Champions League » Hordhac Group E: Roma vs Bayern, Moscow vs Man City: Wiilasha Pep Oo Boqanaya Olympic

Hordhac Group E: Roma vs Bayern, Moscow vs Man City: Wiilasha Pep Oo Boqanaya Olympic


Group E

 

Bayern Munich ayaa rajeyneysa iney sii difaacato rikoorkeeda guuldaro la’aanta xili ciyaareedkaan marka ay caawa booqdaan caasimada talyaaniga halkaas oo ay gurigooda kula soo ciyaari doonaan kooxda As Roma.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa fadhiya halka ugu sareeya groupka E, madama ay laba guul ka heleen kooxaha CSKA Moscow iyo Manchester City waxeyna laba dhibcood ka sareysaa kooxda Roma oo iyana guul ka heshay CSKA barbarana la gashay City.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: As Roma vs Bayern Munich

Tartanka: Champions League

Garoup: E

Garoonka: Olympico Stadium

Saacada: 9:45 Xiliga Geeska Afrika.

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Kooxda martida loo yahay ayaa weyneysa xidiga reer Mali Seydou Keita kaas oo seegay kulankii ay kooxdiisa isbuucaan 3-0 ku garaacday Chievo Verona.

Daafaca reer Greece, Kostas Manolas kaas oo ganaax kaga maqnaa Roma kulankii Chievo ayaa diyaar ah waxaana laga yaabaa in Rudi Garcia uu kusoo bilaabo.

Dhanka kale Franck Ribery ayaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto safka hore kooxda Bayern Munich kadib markii uu xidigaan qeybta dambe ka ciyaaray kulankii ay isbuucaan 6-0 kooxdooda ku badisay.

Pepe Reina ayaan kooxdiisa la safrin madama uu wali kasoo kabanayo dhaawac, sidoo kalana Thiago Alcantara ayaa wali dhaawac ku maqan kaas oo ay dhaawacyo la dageen.

LINE UPKA MACQUULKA:

Roma:

Skorupski; Maicon, Manolas, Yanga-Mbiwa, Cole; Pjanic, Nainggolan; Gervinho, Totti, Florenzi; Destro

Bayern Munich:

Neuer; Alaba, Boateng, Dante, Bernat; Lahm, Alonso; Ribery, Robben, Muller; Lewandowski


 

Dhanka kale Manchester City oo ku jirta booska sadexaad ee Gorupka E ayaa iyana caawa wajaheysa kooxda CSKA Moscow marti ayeyna ku tahay dalka Russia waxeyna kooxdaan ku ciyaari doontaa garoon Maran madama Moscow ay ganaaxan tahay.

Wiilasha Manuel Pellegrini waxey heystaan hal dhibic oo qura oo ay ka heleen Roma kulankii labaad iyadoo guuldaro kala kulantay Bayern Munich kulankii furitaanka.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: CSKA Moscow vs Manchester City

Tartanka: Champions League

Garoup: E

Garoonka: CSKA Moscow Stadium

Saacada: 9:45 Xiliga Geeska Afrika.

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Frank Lampard ayaa dhaawac ku seegi doona kulankaan kaas oo xanuun looga saaray kulankii Tottenham ee isbuucaan, balse Yaya Toure ayaa kusoo bilaaban doonaa kaas oo kulankaas la nasiyay madama uu ciyaaraha qarankiisa kusoo daahay todobaadkii hore.

Zabaleta ayaa gali doona booska daafaca isagoo badali doona Sagna oo kulankii Spurs saftay, halka Edin Dzeko uu lamaan la noqon doono Sergio Aguero.

Dhanka kale CSKA Moscow ayaa ciyaari doona iyadoo uu ka maqan yahay kubad sameeyaheeda Alan Dzegoev iyo daafaca reer Sweden Wembloom.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

CSKA:

Akinfeev; Schennikov, Ignashevich, Berezutski, Fernandes; Natcho, Eremenko, Milanov, Tosic, Musa; Doumbia

Man City:

Hart; Zabaleta, Kompany, Mangala, Clichy; Milner, Fernando, Toure, Milner; Aguero, Dzeko

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>