Xusuusta ayaa ah in macalinka haatan ee kooxda Barcelona Luis Enrique iyo macalinka Ajax Frank de Boer ay waqti iskula soo qaateen garoonka Camp Nou iyagoo ciyaartoy ah mudadii u dhaxeysay 1999-2003, balse caawa ayey iska hor imaan doonaan iyagoo kala hogaaminaya kooxaha Barcelona iyo Ajax kulan ka tirsan Champions League.
Barcelona waxey dooneysaa iney kasoo kabato guuldaradii kasoo gaartay Paris Saint Germain kulankii labaad markii 3-2 lagu suldaaray kulan ay booqdeen caasimada dalka faransiiska ee PARIS.
Barcelona sidoo kale waxey maanka ku heysaa iney sabtida wajaheyso kooxda Real Madrid kulan ka tirsan horyaalka Spain waana kulanka loogu jecel yahay dunida ee loogu magac daray El-Clasico.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Barcelona vs Ajax
Tartanka: Champions League
Group: F
Garoonka: Camp Nou
Saacada: 9:45 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Andreas Iniesta ayaa suuragal ah in looga yeero kulankaan madama kulankii Eibar uu badal kusoo galay halka Xavi oo kulankaas dhameystay uu u nasan doono kulanka Real Madrid waxaana sidoo kale la filayaa iney kusoo bilowdaan Ivan Rakitic iyo Busquets.
Dhanka kale Ajax ayaa weyneysa xidigeeda Viktor Fischer kaas oo dhaawac kaga maqan kooxda, mana jiro xidig kale oo kooxda dhaawac kaga maqan.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Barcelona:
Bravo; Alba, Mathieu, Mascherano, Alves; Busquets, Rakitic, Iniesta; Pedro, Neymar, Messi
Ajax:
Cillessen; Van Rhijn, Moisander, Veltman, Boilesen; Klaassen, Viergever, Serero, Schone, Andersen; Sigthorsson
Dhanka kale kooxda ugu hooseysa groupkaan ee Apoel Nicosia ayaa martigalin doonta hogaamiyayaasha Groupka Paris Saint Germain kuwaas oo leh 4-dhibcood halka Apoel ay leedahay 1-dhibic.
Kooxda martida ah waxey barbaro ka heshay Ajax kulankii furitaanka balse waxey niyad wanaagsan ka heshay Barcelona oo ay ku garaacday 3-2 kulanki xigay.
Tababare Laurent Blanc waxaa heystga dhaawacyo badan madama Zlatan Ibrahimovic iyo David Luiz ay kulankaan ka maqan yahiin, sidoo kale Thiago Silva ayaa suuragal laga dhigay inuu ciyaaro inkastoo wali aan la xaqiijin, balse Cavani iyo Cabaye ayaa diyaar u ah iney wajahaan Apoel.
Dhanka kale Apoel oo barbaro ka heshay Ajax kulankii labaad inkastoo kulankii furitaanka ay guuldaro ka heshay Barcelona, hadana diyaar ayey u tahay iney dagaalanto caawa.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
APOEL:
Pardo, Sergio, Amorim, Da Cruz, Antoniades, Gomes, Riise, Franco, Djebbour, Manduca, Sheridan
PSG:
Sirigu, Van der Wiel, Marquinhos, Bahebeck, Maxwell, Verratti, Aurier, Matuidi, Pasote, Ibrahimovic, Cavani
HANAD
October 21, 2014 at 11:47 am
hiilkubad.com sideey idinka noqotay , Boilesen IYO Serero, WAA ka dhaawacan yihiin ajax mana ciyaarayaan caawa , anayway Good LUCKY AJAX