Chelsea ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta kooxda kaalinta labaad ee Maribor iyadoo Blues ay hal guul kaliya gaartay labadii kulan ee ay soo ciyaartay ka hor kulankaan.
Maribor wali lama kulmin guuldaro madama ay laba dhibcood heysato waxeyna ka dhigan tahay iney barbaro lasoo gashay kooxdah Schalke 04 iyo Sporting Lisbon.
Jose Mourinho wuxuu ka fakarayaa kulanka Axada ay la leeyahiin Manchester United ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska waxaana laga yaabaa inuu nasiyo badi ciyaartoydiisa.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Chelsea vs Maribor
Tartanka: Champions League
Group: G
Garoonka: Stamford Bridge
Saacada: 9:45 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Sida horay loo ogaa Diego Costa ayaan kasoo muuqan doonin kulankaan iyadoo ay taas ka dhigan tahay in Drogba iyo Remy midkood uu hogaamin doono weerarka Blues.
Sidoo kale daafaca reer Brazil Felipe Luis ayaa laga yaabaa inuu fursad u helo, inkastoo Jose uu ka warqabo in Cesar Azpilicueta uu ganaax ku seegi doono kulanka Old Trafford ee Axada.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Chelsea:
Courtois; Luis, Cahill, Terry, Ivanovic; Matic, Fabregas; Schurrle, Hazard, Salah; Drogba
Maribor:
Handanovic; Viler, Suler, Rajcevic, Mejac; Bohar, Mertelj, Filipovic, Vrsic; Tavares, Ibraimi
Dhanka kale Di Matteo oo ahaa macalinkii Chelsea u qaaday Champions League 2012, ayaa haatan loo dhiibay xilka Schalke 04, wuxuuna caawa kasoo muuqan doonaa kulankiisii ugu horeeyay tartanka Champions League kadib Chelsea.
Macalinkaan sidoo kale guul ayuu ku bilaabay waayahiisa kooxdaan kadib markii uu 2-0 ku garaacay Herth Berlin todobaadkaan kulan ka tirsan Bundesliga.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Schalke 04:
Fahrmann, Uchida, Fuchs, Howedes, Ayhan, Boateng, Aogo, Neustadter, Draxler, Huntelaar, Choupo-Moting
Sporting Lisbon:
Rui Patricio, Jefferson, Cedric, Paulo Oliveira, Sarr, Nani, Andre Martins, William Carvalho, Joao Mario, Slimani, Carrillo