Tartanka koobka qaramada qaarada Afrika ayaa caawa lasoo gabagabeyn doonaa waxaana is wajahi doona xulalka Ivory Coast iyo Ghana.
Labadaan xul ayaa kasoo kala baxay wadamada Equatorial Guinea iyo DR Congo, waana labada wadan ee awoodooda ku yimid tartankaan.
Tababare Herve Renard ayaa qarka u saaran inuu dhigo rikoor cuub madama uu fursad u heysto inuu laba xul oo kala duwan u qaado tartanka African madama uu Zambia u qaaday haatana uu Ivory Coast kenay finalak tartanka waana taariikh hor leh hadii uu qaado.
Ghana waxaa u diyaar ah wiilasheeda Asamoah Gyan, Andre Ayew iyo Christian Atsu, halka Yaya Toure, Gervinho iyo Bony ay diyaar u yahiin Ivory Coast.
Kulankaan wuxuu caawa ka dhici doonaa Beta magaalada la yiraahdo oo ah mida ugu weyn dalkaan Equatorial Guinea, inkastoo Ghana ay nasiib u yeelatay iney xili hore ku ciyaarto.
Avram Grant ayaa awoodiisa muujiyay isagoo kaliya haya shaqadaan xulka Ghana in ka yar sadex bilood madama uu December la wareegay, iyadoo la xasuusto inuu Chelsea geeyay finalka koobka Champions League sanadii 2008.