Liverpool ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Burnley xili kooxda ka dhisan gobolka Merseyside ay sare u qaaday hamigeeda kaalmaha looga soo baxo champions League iyadoo laba dhibcood u jirta kaliya kaalinta afaraad.
Liverpool waxey kasoo gudubtay laba isbuuc oo aad ugu dhib badnaa balse waxey heshay faa’iido fiican madama ay 6-dhibcood ka heshay Southampton iyo Manchester City.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Liverpool vs Burnley
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Anfield Road
Saacadda: 11:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Da’yarka Liverpool Jordan Ibe ayaa seegi doona kulankaan, sidoo kalana waxaan kulankaan ka qeyb gali doonin Gerrard iyo Lucas oo wali aan kasoo kaban dhaawacyadii.
Sakho ayaa filanaya inuu dib ugu soo laabto safka hore madama uu kursiga fadhiyay kulankii City, halka Falanagan uu isna tababarka kusoo laabtay.
Dhanka kale Kevin Long, Matthew Taylor, Dearn Marney ayaaa ka maqan kooxda uu hogaamiyo macalin Sean Dyche.
MA OGTAHAY:
Liverpool wax guuldaro ah lama kulmin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska.
Markii ugu dambeysay oo ay Liverpool guuldaro kala kulanto Burnley waxey aheyd 40-sano ka hor (1974/75).
Liverpool waxey ku badineysay (2-gool) isku cel-celis 6-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda ku ciyaartay kulamada horyaalka.
Burnley kaliya hal guul ayey gaartay 13-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.
Markii ugu dambeysay oo ay Burnley shabaqeeda ilaashato waxey aheyd sadex bilood ka hor kulan ay gurigeeda ku garaacday Southampton.
Burnley waxaa laga dhaliyay goolal ka badan Queen’s Park Rangers (45-gool).
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Liverpool: 3-4-2-1:
Mignolet; Can, Skrtel, Lovren; Markovic, Henderson, Allen, Moreno; Lallana, Coutinho; Sturridge
Burnley: 4-4-1-1:
Heaton; Trippier, Keane, Shackell, Mee; Boyd, Arfield, Jones, Kightly; Barnes, Ings