Home » Maxaa Cusub » Hordhac: Liverpool vs Chelsea: Mourinho Iyo Rodgers Oo Ku Balansan Semi Finalka Capital One Cup

Hordhac: Liverpool vs Chelsea: Mourinho Iyo Rodgers Oo Ku Balansan Semi Finalka Capital One Cup


capital-one-cup-liverpool-chelsea-gerrard-schurrle_3253723

 

Liverpool ayaa Anfield Road kusoo dhaweyn doonta Chelsea lugta hore Semi Finalka Koobka Capital One ee laga ciyaaro dalka Ingiriiska, waana labada kooxood ee midood ay qaadi karto tartankaan hadii ay soo gudubto.

Liverpool todobaadyadii ugu dmabeeyay waxey ku socotay wadadii guulaha, Aston Villa ayeyna marti ugu noqdeen Villa Park 2-0 ayeyna ku suldaareen, halka Chelsea ay gobolka Wales kusoo xasuuqday Swansea City kulan kusoo dhamaaday 5-0.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: LIverpool vs Chelsea

Tartanka: Capital One Cup

Garoonka: Anfield Road

Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Steven Gerrard ayaa dib ugu so laaban doona Liverpool kadib markii uu seegay kulankii Aston Villa ee todobaadkaan, sidoo kalana Adam Lallana ayey macquul tahay inu kursiga keydka kusoo bilowdo.

Goolhaye Thibaut Courtios ayaa filanaya isna inuu dib ugu soo laabto safka hore kadib markii uu seegay sadexdii kulan ee ugu dambeysay.

MA OGTAHAY:

Kulankaan waa kii lixaad oo ay labadaan kooxood ku kulmaan taariikhda tartanka Capital One, sadex jeer Liverpool ayaa badisay, laba jeer barbardhac ayey galeen, halka hal jeer ay badisay Chelsea waana Finalkii 2005.

Chelsea waxey guuldaro kala kulantay Liverpool, kaliya hal jeer 7-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaaraan tartamada oo dhan.

Markii labaad oo xiriir ah ayey ku badiyeen Anfield kulamada horyaalka, markii Diego Costa uu goolka guusha u dhaliyay bishii November.

Liverpool guulo ayey ka gaareysay Chelsea labadii kulan ee ugu dmabeeyay oo ay labadaan kooxood ku ciyaareen Anfield kulamada koobkaan.

Liverpool waa kooxda ugu badan ee koobkaan heysata 8-jeer, sidoo kalana 11-jeer ayey Final yimaadeen.

Sidoo kale waa markii labaad oo ay kooxdaan soo gaarto wareegaan oo kale 7-dii xili ciyaareed ee ugu dambeysay.

Liverpool waxey badisay afar jeer, hal jeer ayeyna guuldaro la kulantay 8-dii kulan oo ay ku ciyaartay Capital One

LINE UPKA MACQUULKA AH:

LIVERPOOL:

Mignolet; Can, Skrtel, Sakho; Moreno, Lucas, Henderson, Markovic; Gerrard, Coutinho; Sterling

CHELSEA:

Cech; Luis, Zouma, Terry, Ivanovic; Fabregas, Matic; Hazard, Oscar, Willian; Costa

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>