Liverpool ayaa Anfield kusoo dhaweyn doonta kooxda Spurs oo xawaare ku socota mudooyinkaan xili ay kooxda ka dhisan White Hart Lane soo garaacday xifaaltamayashoda waqooyiga London ee Arsenal todobaadkaan bilowgiisii.
Liverpool kulankii ugu dambeeyay waxey barbaro kusoo gashay Goodison Park kulnakii Merseyside Derby kaas oo ahaa kii ugu dambeeyay Gerrard uu ciyaaro.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Liverpool vs Tottenham
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Anfield Road
Saacadda: 11:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Branden Rodgers ayaa ka fakaraya afar dhaawac kaliya inkastoo uu ugu dambeeyay Lucas Lieva, sidoo kalana Adam Lallana, Falanagan iyo Brad Jones ayaa dhaawac ah.
Dhanka kale Spurs ayaan dhibaato dhaawac qabin iyadoo ay diyaar u yahiin wiilashooda safka hore, macalin Mauricio Pochettino ayaana ay u diyaarsan yahiin dhamaan hubkiisa.
MA OGTAHAY:
Liverpool kaliya 1-jeer ayey guuldaro kala kulantay 20-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay is arkaan Tottenham kulamada EPL-ka.
Totenham kaliya hal kubad ayey goosha la beegsadeen kulankii labadan kooxood horay u dhexmaray, markaas oo Spurs looga awood badiyay 3-0.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
LIVERPOOL:
Mignolet; Can, Skrtel, Sakho; Lallana, Henderson, Gerrard, Moreno, Sterling, Coutinho; Sturridge
TOTTENHAM:
Lloris; Walker, Fazio, Vertonghen, Rose; Bentaleb, Mason; Eriksen, Dembele, Lamela; Kane
saleebaankaafi:liverpool
10-February-2015 at 10:24 am
Guul liverpool waa ciyaar heer sare ah 3/1