Manchester City ayaa ku sugan xaalad meel dhexe ah madama ay lumisay tartankii horyaalka walow ay haatan fadhiso booska afaraad hadana waxey tartan u gali doontaa iney dib ugu soo laabato kaalmaha labaad ama sadexaad iyo iney adkeysato kaalinteeda afaraad.
Cadaadis badan ayaa saaran Manuel Pellegrini kaas oo la filayo in laga ceyriyo kooxda hadii ay sii wado qaab ciyaareedkaan xun, waxaana lahadal hayaa in midkood Ancelotti, Klopp iyo Guardiola uu shaqada ka badali doono macalinkaan reer Chile.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Manchester City vs Aston Villa
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Etihad Stadium
Saacadda: 7:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA:
David Silva ayaa laga yaabaa inuu garoomada kusoo laabto kadib markii dhaawac looga saaray kulankii West Ham ee todobaadkii hore, sidoo kale Milner iyo Bonny ayaa iyaguna qarka u saaran iney soo laabtaan. wali lama hubo hadii Nasri, Kompany iyo Clishy ay taam u noqon karan kulankaan.
Agbolnahor ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto kulankaan Cissoko ayaa sidoo kale dib ugu soo laaban doona kadib dhaawac uu ku maqnaa. Alan Hutton iyo Ciaran Clark ayaa sidoo kale seegi doona kulankaan.
MA OGTAHAY:
Markii ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood ku kulmaan Etihad Stadium, City ayaa ku badisay 4-0.
Manchester City dhamaan guulo ayey gaartay shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay Etihad ku qaabisho Aston Villa.
Aston Villa kaliya sadex jeer ayey badisay lixdii kulan ee ugu dambeysay Horyaalka EPL-ka.
Sidoo kalana hal kulan ayey guul gaareen sadexdii kulan ee ugu dambeysay.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Manchester City:
Hart; Zabaleta, Demichelis, Mangala, Kolarov; Fernando, Fernandinho; Silva, Toure, Navas; Aguero
Aston Villa:
Guzan; Bacuna, Okore, Vlaar, Richardson; Westwood, Delph, Cleverley; N’Zogbia, Sinclair, Benteke