Home » Falanqeynta » Hordhac: Man City vs Crystal Palace: City Oo Fursad U Heysata Iney Hoganka Si Kumeel Gaar Ah U Qabato

Hordhac: Man City vs Crystal Palace: City Oo Fursad U Heysata Iney Hoganka Si Kumeel Gaar Ah U Qabato


City vs Palace

Manchster City ayaa Etihad Stadium ku soo dhaweyn doonta kooxda Crystal Palace iyadoo sadex dhibcood kaliya u jirta hogaanka horyaalka, waxeyse fursad u heli kartaa iney si kumeel gaar ah u qabato hogaanaka hadii ay ugu yaraan afar gool kaga badiso Crystal Palace.

Manchester City ayaa rajeyneysa iney sii noolaato iyadoo uu ka maqan yahay weeraryahankeeda Sergio Aguero kaas oo dhaawac dhanka jilibka ah kaga maqan, inkastoo sidoo kale kabtankeeda Kompany uu wali xanuunsanayo.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Manchester City vs Crystal Palace

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Saacadda: 3:45 Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Man City ayaa weyn doonta weeraryahankeda reer Argentina Sergio Aguero, iyadoo sidoo kale ay ka maqnaan doonaan Dzeko iyo Jovetic oo ah laba xidig oo weerarka ka ciyaara, waxaana la filayaa in Pozzo uu kusoo bilowdo sidii dhacday kulankii Leicester City.

Demichelis iyo Mangala ayaa hogaamin doona daafaca kooxda Manchester City madama Vincent Kompany uu dhaawac dhanka muruqa ah ku maqan yahay.

Dhanka kale Crystal Palace ayaa weyn doonta Chamakh kaas oo dhaawac dhanka muruqa ah qaba, Adrian Mariappa ayaa kusoo laabtay tababarka.

MA OGTAHAY:

Crystal Palace ayaan guul ka gaarin Manchester City tan iyo sanadii 1990-kii.

Labadaan kooxood ayaa kulmay 8-jeer, waxeyna Man City badisay 4-jeer, halka Palace ay badisay 1-jeer.

Ma jiro kaar cas oo la bixiyay dhamaan kulamadii labadaan kooxood ku dhexmaray horyaalka Ingiriiska.

Edin Dzeko ayaa laba gool ka dhaliyay Palace, waana xidiga ugu goolasha badan kulankaan, xidigaha labada naadi haatan ku sugan.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

MAN CITY:

Hart; Sagna, Demichelis, Mangala, Clichy; Toure, Fernando, Nasri, Lampard, Silva; Pozo

CRYSTAL PALACE:

Speroni, Kelly, Hangeland, Dann, Ward, Jedinak, McArthur, Ledley, Bolasie, Zaha, Gayle

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>