Manchester City ayaa rajada ay ka qabto iney difaacato horyaalka ay hoos u sii dhaceysaa kadib markii ay axadii guuldaro xanuun badan kala kulantay Liverpool, iyadoo shan dhibcood iyo kulan baaqi ah u jirta Chelsea oo caawa iyana la ciyaareysa West Ham.
Manuel Pellegrini iyo wiilashiisa ayaana cadaadis xoog badan uu saaran yahay inkastoo horyaalka uu ka haray 13-kulan oo qura.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Man City vs Leicester City
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Etihad Stadium
Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Ma jiro xidig dhaawac kaga maqan kooxda Manchester City marka laga reebo in xidigaha Bony, Lampard iyo Sagna ay haminayaan iney kusoo bilowdaan.
Kasper Schmeichel ayaa kusii dhawaanaya inuu dib ugu soo laabto garoomada, nasiib daro-se ma wajahi karo kooxdisii hore, waana xidiga kaliya ee dhaawaca kaga maqan kooxda Leicester.
MA OGTAHAY:
Sergio Aguero ayaa ka qeyb qaatay Shan gool sadexdii kulan ee ugu dambeeyay, sadex gool ayuu dhaliyay sidoo kalana laba gool ayuu caawiyay.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
MAN CITY:
Hart; Zabaleta, Kompany, Mangala, Kolarov; Nasri, Toure, Fernandinho, Silva; Aguero, Bony
LEICESTER CITY:
Schwarzer; Simpson, Morgan, Huth, Upson; Konchesky; Mahrez, James, Cambiasso, Schlupp; Kramaric