Manchester City oo difaacaneysa horyaalka Ingiriiska ee Manchester City ayaa dooneysa iney kasoo kabato barbarahii ay la gashay todobaadkii ugu dambeeyay horyaalka kooxda Queen’s Park Rangers ciyaar kusoo dhamaatay 2-2.
Waxeyna haatan 8-dhibcood ka hooseyaan kooxda Chelsea oo hogaanka u heysa horyaalka Ingiriiska xagaagan kuwaas oo aan wali dhinacooda dhulka la dhigin.
Dhanka kale Swansea City waxey ku jiraan xili fiican iyagoo isbuucii ugu dambeeyay guul ay u qalmeen ka gaaray kooxda Arsenal kulan marti loogu ahaa gobolka Wales.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Manchester City vs Swansea City
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Etihad Stadium
Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Kabtan Vincent Kompany ayaa la xaqiijiyay inuu ka qeyb qaadan karo kulankaan kadib markii uu kasoo kabtay dhaawac dhanka canqawga, inkastoo aan la hubin inuu kusoo bilaaban karo, Mangala ayey macquul tahay in lala ciyaarsiiyo Demichelis.
David Silva ayaa kusoo laabtay tababarka balse diyaar uma noqon karo inuu ka qeyb qaato kulankaan, Nasri ayaana dhexda kula midoobi doona Milner iyo Toure, sidoo kalana Kolarov iyo Dzeko ayaa iyaguna shaki la galinayaa iney saftaan kulankaan.
Leon Britton ayaa dib uga soo laabtay kooxda kadib dhaawac dhanka jilibka ah oo soo gaaray wuxuuna badal kusoo galay kulankii Arsenal, sidoo kale Jonjo Shelvey ayaa kasoo kacaya ganaax markii uu casaan qaatay kulankii Everton.
Routledge iyo Dyer ayaa tababarka kusoo laabtay tababarka kadib dhaawacyo gumaarka kasoo gaary, sidoo kalana Ashley Richards, Rory Donnelly iyo Federico Fernandez ayaan la safrin kooxda Swansea ee City aadeysa.
MA OGTAHAY:
Manchester City waxey garaacday Swansea City sadexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay kula ciyaartay gurigeeda iyadoon wax gool ah laga dhalin isla markaana 8-gool ka dhalisay.
Jefferson Montero ayaa kula midoobay Rickie Lambert iyo Ayoze Perez xidigaha ugu badan ee badalka kusoo galay xili ciyaareedkaan horyaalka Ingiriiska.
Sergio Ageuro ayaa dhaliyay 12-goal, 9-kulan oo uu kusoo bilowday horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkaan.
Ma Jiro xidig ka goolal badan horyaalka Ingiriiska sanadka 2014, xidigaha Wilfried Bonny iyo Sergio Aguero kuwaas oo isku beegan maanta.
Waa bilowgii ugu fiicnaa ebid ay Swansea City ku bilowdo horyaalka Ingiriiska taariikhda, madama ay 18-dhibcood la timid 11-kii kulan ee ay ciyaartay.
Swansea City waxey lumisay 8-kulan oo ay marti u noqotay kooxda Manchester City, tan iyo 1951-dii, markaas oo ugu dambeysay iney City kaga badiso Etihad Stadium.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Manchester City:
Hart; Zabaleta, Demichelis, Mangala, Clichy; Fernandinho, Fernando; Nasri, Toure, Milner; Aguero
Swansea City:
Fabianski; Angel, Williams, Bartley, Taylor; Ki, Shelvey; Routledge, Sigurdsson, Montero; Bony