Manchester City ayaa haatan laga sareeyaa horyaalka lix dhibcood oo qura inkastoo kulan baaqi ah ay heysato Chelsea, balse wey ku dhawaan kartaa maanta madama ay Blues ciyaareyso Axada.
Sidoo kale cadaadis xoog weyn ayaa saaran Pellegrini kaas oo shaqadiisa weyn kara hadii uusan koob qaadin xili ciyaareedkaan.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Manchester City vs West Bromwich Albion
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Etihad Stadium
Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Manuel Pelelgrini ayaan wax walwal ah ka qabin ciyaartoydiisa dhamaan wey u bad qabaan inkastoo ay ku madax wareersan yahiin jahawareerkii ay kasoo qaadeen kulankii Barcelona ee Camp Nou lagu soo garaacay Arbacadii.
Dhanka kale West Brom ayaa dhibaatooyin qabta waxaana ka maqanaan doona xidigaheeda Anichebe, Ben Foster, Ideye iyo McManaman.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Manchester City dhamaan guulo ayey ka gaartay West Brom lixdii kulan ee ugu dambeysay.
Inkastoo qaab xun ay ku jirto waqtigaan, hadana labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay gurigeeda guul ayey gaartay.
Manchester City horay ayey 3-1 ugu garaacday West Brom kulankii ay is arkeen wareega hore.
Lixdii kulan ee ugu dambeeyay labadaan kooxood waxaa la iska dhaliyay 1-gool.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
MANCHESTER CITY:
Hart; Zabaleta, Kompany, Demichelis, Clichy; Nasri, Toure, Fernandinho, Silva; Bony, Aguero
WEST BROM:
Myhill; Dawson, McAuley, Olsson, Lescott; Gardner, Morrison, Fletcher, Sessegnon; Berahino, Ideye