Home » Falanqeynta » Hordhac: Man United vs Aston Villa: Wiilasha LVG Oo Doonaya Iney Adkeystaan Booska Afaraad Ee Horyaalka

Hordhac: Man United vs Aston Villa: Wiilasha LVG Oo Doonaya Iney Adkeystaan Booska Afaraad Ee Horyaalka


manchester-united-vs-aston-villa

In loo tartamo kaalmaha loogu soo baxo Champions League ayaa noqotay mid xiiso badan iyadoo sideed kulan oo qura ay ka hartay in lasoo afjaro horyaalka, wiilasha Louis Van Gaal ayaana doonaya iney adkeystaan booska afaraad.

United ayaa tijaabisay awood aan la ogeen halka ay ku dambeyn doonto iyadoo dubatay kooxaha Liverpool iyo Tottenham laba kulan oo is xigay, waxaana moodaa iney ku jiraan waqtigii ugu fiicnaa.

Maanta ayey soo dhaweyn doontaa kooxda Aston Villa waxaana u xigi doona kulamo holac ah oo ay la yeelan doonto City iyo Blues, Van Gaal ayaana looga fadhiyaa inuu wax ka badalo taariikhda mugdiyowday ee United sanadkii lasoo dhaafay.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Man United vs Aston Villa

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 5:00 Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

v. Persie ayaan u muuqan mid ciyaari kara madama uusan tababarkii ugu dambeeyay ka qeyb qaadan mana soo galin garoomada tan iyo 21-kii February. kaliya xidigaas ayaa ka maqan United.

Dhanka kale Ron Vlaar ayaa dib ugu soo laaban kara kooxda United, kaasoo garoomada ka maqnaa mudooyinkii ugu dambeeyay. Sidoo kale kooxda Villa waxaa kusoo laabtay Jores Okore iyo Charlton Cole oo tan iyo February iyagana garoomada ka maqnaa.

Kieran Richardson iyo Philippe Senderos ayaan ka qeyb qaadan tababarkii ugu dambeeyay shaki ayaana la galinaya, sidoo kalana Aly Cissokho, Nathan Baker ayaan ciyaari doonoin halka wiilka amaahda kaga maqan united Cleverley isna aysan macquul u aheyn inuu kooxdiisii hore ka hor yimaado.

MA OGTAHAY:

Man United ayaa guul ka gaartay 31-kulan Aston Villa waxeyna noqoneysaa kooxda ugu badan ee taariikhda tartanka intaas garaacday waxeyna United kala siman tahay Everton.

Aston Villa ayaa kaliya guul gaartay hal jeer, 38-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Man United kulamada horyaalka.

Wayne Rooney ayaa 12-gool ka dhaliyay Aston Villa waana kooxda ugu badan oo uu goolal ka dhaliyo EPL-ka waxeyna barbaro la tahay Newcastle.

Aston Villa ayaa ah kooxda kaliya oo aan gool ka helin ama xitaa hal caawinaad xidig badal kusoo galay.

Rooney ayaa sideed gool ka dhaliyay lixdii kulan ee ugu dambeysay oo uu Old trafford kaga hor yimid Aston Villa.

Aston Villa lix xidig ayaa casaan laga siiyay xili ciyaareedkaan waana in ka badan laba xili ciyaareedkii hore.

Rooney ayaa ku dhaliyay Old Trafford 95-gool waana xidiga sadexaad ee ugu badan ee hal garoon goolal badan ku dhaliyay Henry iyo Shearer ayaana kaga horeeya.

Mancheste United ayaa guul gaartay 12-kulan, 14-kii kulan ee ay Old Trafford ku ciyaartay kulamada horyaalka.

LINE UPKA MACQUUL AH:

Man United:

De Gea; Valencia, Jones, Rojo, Blind; Carrick, Herrera, Fellaini; Young, Mata, Rooney

Aston Villa:

Guzan; Bacuna, Vlaar, Clark, Hutton; N’Zogbia, Sanchez, Delph, Sinclair; Benteke, Agbonlahor

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>