Home » Falanqeynta » Hordhac: Newcastle United vs Manchester United: Kabtan Rooney Oo Mar Kale Weerarka Hogaamin Doona

Hordhac: Newcastle United vs Manchester United: Kabtan Rooney Oo Mar Kale Weerarka Hogaamin Doona


Newcastle-vs-Manchester-United

Manchester United ayaa safar u gali doonta Newcastle kulanka 28-aad ee horyaalka, xili kooxda uu hogaamiyo Louis Van Gaal ay dagaal ba’an ugu jirto iney ilaashato booskeeda afaraad si aysan u gafin sanadka soo aadan tartanka horyaalada yurub.

Inkastoo wali Jamaahiirta United aysan ku qancin shaxda macalinkaan reer Holland hadana wuxuu ku adkeysanaya inuu ciyaartoydiisa ka dhaadhiciyo falsafadiisa ugubka ku ah horyaalka EPL-ka.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Newcastle vs Man United

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: St James Park

Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Dhibaatada kooxda martida loo yahay ee Newcastle ma yara waxaana ka maqan, Cabella, Dummet, De Jong, Tiote & Elliot waana xidigo muhiim u ah kooxda. Ayoze Perez oo ah wiil usoo baxay kooxdaan ayaana diyaar ah.

Goolhaye De Gea ayaa jug yara qaba waxaana la filayaan in Valdes lagu soo bilaabo, sidoo kalana Shaw ayaa dhaawac muruqa ah la xanuunsanaya iyadoo Jones uu xanuun qabo.

MA OGTAHAY:

Waa kulankii 158-aad oo ay labada kooxood kulmaan dhamaan tartamada oo dhan.

79-jeer waxaa guuleystay Man united, halka Newcastle ay guul gaartay 41-jeer, kulamada haraaga ahna waa kuwa ay barbardhaca galeen.

Man United 29-guulood ayey ku gaartay St James Park halka Newcastle ay guul gaartay 31-jeer.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Newcastle United:

Krul, Janmaat, Williamson, Coloccini, Haidera, Obertan, Sissokho, Abeid, Ameobi, Perez, Cisse

Manchester United

De Gea, Smalling, Evans, Rojo, Valencia, Herrera, Blind, Young, Di Maria, Rooney, Falcao.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>