Arsenal ayaa dooneysa iney kasoo kabato xanuunkii ay kasoo qaaday tartanka horyaalada yurub Champions League kadib markii isbuucii haatan dhamaaday laga reebay wareega 16-ka tartankaas.
Inkastoo ay guul ka gaartay Monaco oo ku sugan gurigeeda hadana uma suuragalin iney kasoo gudubto oo goolasha gurigeeda looga dhaliyay ayaa looga soo baxay.
Gunners sidoo kale waxey isha ku heysaa iney tiigsato kaalinta labaad ee horyaalka madama ay hal dhibic qura u jirto Manchester City oo maanta la balansan Wst Brom.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Newcastle vs Arsenal
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: St James Park
Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Kabtan Fabricio Coloccini ayaa seegi doona kulankaan kaas oo casaan toos ah qaatay kulankii Everton, waana kulankiisii ugu horeeyay ganaax sadex kulan ah oo garka loo galiyay.Pappis Cisse ayaa isna ganaax kaga maqan madama candhuuftii Evans lagu ganaaxay. Sidoo kale Tiote, Dummett iyo Taylor ayaa ka maqan kooxda Magpieska waxeyna soo dhaweyn doonaan Haidara iyo Rolando Aarons.
Rosicky ayaa diyar u ah kulankaan kadib markii uu xanuuno ku seegay kulamadii ugu dambeeyay, jack Wilshere iyo Mikel Arteta ayaan ciyaari doonin ilaa dhamaadka Maarso, sidoo kalana Chamberlain iyo Debuchy ayaa iyagana dhaawacyo ku maqan.
XAQIIQADA KULANKA:
Arsenal wax guuldaro ah kalama kulmin Newcastle United sideedii kulan ee ugu dambeysay, iyadoo dhamaan guulo ka gaartay lixdii ugu dambeysay.
Newcastle waxey ku fashilantay iney hal gool ka dhaliso Arsenal sadexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay kula ciyaartay St James Park.
Sidoo kale Newcastle United waxey guul ka gaareen Arsenal 4-jeer, 39-kii kulan ee ugu dambeeyay labada kooxood is arkaan dhamaan tartamada oo dhan.
Olivier Giroud ayaa dhaliyay lix gool, shan kulan oo uu ka hortagay kooxda Newcastle United.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
NEWCASTLE UNITED:
Krul; Taylor, Janmaat, Williamson, Colback; Gutierrez, Sissoko; Ameobi, Cabella, Perez; Riviere
ARSENAL:
Ospina; Chambers, Mertesacker, Koscielny, Gibbs; Coquelin, Ramsey; Ozil, Sanchez, Walcott; Giroud