Wiilasha ugu sareeya kubada cagta Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa iska hor imaan doona caawa kulan saaxiibtinimo oo labada kooxood ku dhexmari doona garoon dhexdhexaad ah, waxeyna labada xul marti ku noqon doonaan dalka Ingiriiska.
Kulankaan wuxuu mudnaan gaar ah u leeyahay weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo kaas oo dib ugu soo laabanaya garoonka Old Trafford oo aad looga jecel yahay madama uu 6-sano oo dahabi ah kusoo qaatay halkaas.
Sidoo kale Kulankaan wuxuu kulminayaa labada xidig ee mudooyinkii ugu dambeeyay ku guuleysanayay abaalmarinta ugu sareysa kubada cagta ee Ballon d’Or iyadoo tan iyo 2008 ay labadaan xidig ku guuleysteen abaalmarintaan 6-jeer.
Cristiano Ronaldo wuxuu ka hortagayaa Argentina isagoo todobaadkaan bilowgiisa dhigay rikoor cusub markii uu dhaliyay goolka qura ee Portugal ay kaga badisay Armenia kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016, wuxuuna goolkaas ka dhigay inuu noqdo xidiga ugu goolasha badan tartanka Yurub isreeb-reeb iyo tartankaba.
Layaab ma noqon doonto hadii Messi uu kulankaan saameyn ku yeesho madama uu xulkiisa guul u hogaamiyay kulan ka dhacay Upton Park todobaadkaan bilowgisii markaas oo ay wajaheen Croatia waxeyna ku dileen 2-1, xili Messi uu goal ku laadka ay ku badiyeen uu u dhaliyay.
Wiilasha Gerardo Martino sidoo kale waxey isku diyaarinayaan ka qeyb galka Koobka Latin America, iyagoon ciyaarin kulan caalami ah tan iyo markii ay qasaaraha xiliga dambe ah kala kulmeen Jarmalka finalkii Koobka Aduunka ee ka dhacay Brazil.
Daafaca Xulka Portugal ayaa caawa cadaadis uu saaran yahay madama ay wajahi doonaan wiilasha weerarka Argentina: Messi, Aguero, Higuain iyo Tevez, inkastoo xidiga Juventus uusan kusoo bilaaban kulankii Croatia hadana caawa wuxuu filanayaa inuu kusoo bilowdo.
Sidoo kale Angel Di Maria ayaa gurigiisa ku ciyaari doona madama uu xagaagan Manchester United kusoo biiray walow aysan meesha ka marneyn in Tevez uu isna dib ugu soo laabanayo garoonka Old Trafford.
Labadaan kooxood waxey kulmeen todoba kulan, waxeyna kaliya kulmeen hal jeer tan iyo 1972.
Kulanka kaliya ee dhawaantaan dhexmaray labada xul isla markaana ay goob joog u ahaayeen Messi iyo Ronaldo wuxuu dhacay February 2011, markaas oo Argentina ay ku badisay 2-1, waqtigii dhimashada ayaana Lionel Messi uu rigoore u dhaliyay Argentina.