Arsenal ayaa booqaneysa Loftus Road iyadoo uu saaran yahay cadaadis weyn madama ay sadex dhibcood u jirto booska lixaad ee horyaalka, sidoo kalana QPR ayaa cadaadis xoogan uu saaran yahay madama ay ku jirto kaalmaha hoose ee looga dhaco heerka koowaad.
Harry Redknapp ayaa ka tagay shaqada QPR si lama filaan ah, waxeyna kooxdaan qaabileen 5-guuldaro, 6-dii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: QPR vs Arsenal
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Loftus Road
Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
QPR ayaa weyneysa ciyaartoy fara badan waxaana ka mid ah Farulin Dunne, Fer, Isla, Onuoh, sidoo kale Joey Barton kaas oo casaan qaatay kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka.
Jack Wilshere ayaa dib qaliin loogu sameeyay isagoo seegi doona kulankaan iyo kulanka Isniinta ee Manchester United kaas oo ka tirsan FA Cupka.
Sidoo kale Debuchy, Arteta & Diaby ayaa ka maqan Arsenal, iyadoo Flamini uu isna kasoo muuqan doonin kulankaan.
Francis Coquelin ayaa shaki la galinayaa inuu safto madama uu sanka dhaawac kasoo gaaray kulankii Everton, Ramsey ayaansa soo laabtay.
MA OGTAHAY:
Markii ugu dambeysay oo ay QPR garaacdo Arsenal waxey aheyd 2012, kulan ka dhacay Loftus Road oo ku dhamaaday 2-1.
Arsenal ayaan wax guuldaro ah kala kulmin QPR 3-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay QPR.
QPR ayaa kaliya hal guul ka gaartay Arsenal, 8-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Arsenal.
24-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay labada kooxood ku kulmeen Loftus Road, waxey QPR badisay 11-jeer, halka Arsenal ay badisay 7-jeer.
Kulanka u dhaxeeya labadaan kulan barbaro kuma dhamaan tan iyo 1996, markaas oo ay ku kala baxeen 1-1.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
QUEEN’S PARK RANGERS:
Green; Yun, Ferdinand, Caulker, Furlong; Phillips, Henry, Kranjcar, Traore; Austin, Zamora
ARSENAL:
Ospina; Bellerin, Paulista, Koscielny, Gibbs; Coquelin, Cazorla; Ozil, Sanchez, Welbeck; Giroud