Home » Falanqeynta » Hordhac: Real Madrid vs Granada: Madrid Oo Dooneysa Iney Kasoo Kabato Guuldaradii El-Clasico

Hordhac: Real Madrid vs Granada: Madrid Oo Dooneysa Iney Kasoo Kabato Guuldaradii El-Clasico


Real Madrid vs Granada

 

Real Madrid ayaa isha ku heysa iney kasoo kabato guuldaradii kusoo gaartay garoonka Camp Nou kulankii El-Clasico iyadoo sidoo kale dagaal u gali doonta iney mar kale hogaanka u qabato La Liga.

Real Madrid sanadkaan 2015, uma aheyn mid wanaagsan madama ay hoos u dhac sameysay sidoo kalana uma xoog badneyn sidii sanadkii 2014.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Real Madrid v Granada

Tartanka: La Liga:

Garoonka: Bernabeu

Waqtiga: 1:00 Duhurnimo (Xiliga Geeska Afrika)

Carlo Ancelotti ayaa weynaya xidigiisa Pepe kaas oo dhaawac ah, waxaana ciyaari doona Varane oo si shaki la’aan ah safka hore usoo gali doona.

Real Madrid ayaa kulankii lugta hore Granada kusoo garaacday gurigeeda 4-0, James Rodriguez ayaana ahaa wiilka si fiican uga soo muuqday.

Real Madrid ayaa kaliya hal kulan guuldaro kala kulantay Granada 10-kii kulan ee ugu dambeeyay, guuldaradaasna waxey ka dhacday Los Carmenes gool uu iska dhaliyay CR7.

Ma jiro xidig ka tirsan Real Madrid oo noolaa xiligii ugu dambeysay iney Granada ku badiso garoonka Real, waxeyna aheyd 1974.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Shaxda Kooxda Real Madrid: Casillas, Arbeloa, Varane, Ramos, Marcelo, Modric, Kroos, James, Bale, Benzema, Ronaldo.

Shaxda Kooxda Granada: Oier, Nyom, Murillo, Babin, Insua, Perez, Rico, Marquez, Bangoura, Piti, Cordoba.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>