Home » Maxaa Cusub » Hordhac: Real Madrid vs San Lorenzo: Finalka Koobka Kooxaha Aduunka Oo Caawa Dhici Doona

Hordhac: Real Madrid vs San Lorenzo: Finalka Koobka Kooxaha Aduunka Oo Caawa Dhici Doona


Final

 

Caawa waxaa lasoo afjari doonaa tartanka Koobka Kooxaha Aduunka ee ka socda dalka Morocco, waxaana ku tartami doona kooxaha Real Madrid iyo San Lorenzo oo ka kala socda qaaradaha Latin America iyo Yurub.

San Lorenzo waxey ku timid tartankaan iney ku guuleysatay 2014 Copa Libertadores, halka Real Madrid ay ku guuleysatay Champions League.

Real Madrid ayaa Semi Finalkii tartankaan guul ka gaartay kooxda reer Mexico ee Cruz Azul markaas oo 4-0 guul ah ay gaartay, halka San Lorenzo ay 2-1 guul ah ka gaartay Auckland City.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Real Madrid vs San Lorenzo

Tartanka: Fifa Club World Cup

Garoonka: Stade de Marrakech

Saacadda: 10:30 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Sergio Ramos ayaa ah xidiga kaliya ee shakiga uu ku jiro inuu safto kulankaan kaas oo dhaawac ah, mana uusan ku jirin kooxdii Madrid ee tababarka qaatay khamiistii iyo jimcadii.

MA OGTAHAY:

Real Madrid ayaa raadineysa guushii 22-aad oo xiriir ah madama ay gaartay guushii 21-aad oo xiriir ah markii ay 4-0 ku garaaceysay Cruz Azul Semi Finalka tartankaan.

Goolhaye Iker Casillas ayaa badbaadiyay laba gool ku laad labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kooxda ciyaartay dhamaan tartamada oo dhan.

Iker Casillas kaliya ayaa ka haray kooxdii Real Madrid ee ku fashilantay iney ku guuleysato tarankaan sanadii 2000, markaas oo Real Madrid ay ku dhameysatay kaalinta 4-aad.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

REAL MADRID:

Casillas; Carvajal, Ramos, Pepe, Marcelo; Kroos, Illarramendi; Ronaldo, Isco, Bale; Benzema

SAN LORENZO:

Torrico; Yepes, W Kannemann, Mas, Mercier; Buffarini, Kalinski, Barrientos, Ortigoza; Veron, Rodriguez

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>