Home » Falanqeynta » Hordhac: As Roma vs Ac Milan: Wiilasha Rudi Garcia Oo Doonaya Iney Ku Dhawaadan Juventus

Hordhac: As Roma vs Ac Milan: Wiilasha Rudi Garcia Oo Doonaya Iney Ku Dhawaadan Juventus


wpid-roma_vs_acmilan-670x460

 

Roma ayaa Olympico kusoo dhaweyn doonta kooxda Milan, kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da, iyadoo kooxda ka dhisan caasimadda ay dooneyso iney ku dhawaato Juventus oo Jimcahii guul ka gaartay Cagliari isla markaana ka fogaatay.

Farqiga As Roma iyo Juventus u dhaxeeya ayaa ah 4-dhibcood iyadoo kulanka caawa gacanta ku heysata, inkastoo ay wajaheyso koox uu xifaaltan dheer ka dhaxeeyo.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Roma vs Milan

Tartanka: Serie A

Garoonka: Olympico Stadium

Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Roma ayaa ciyaari doonta iyadoo uu ka maqan yahay macalinkooda Rudi Garcia kaas oo laba kulan ganaax ah garka loo galiyay kadib markii uu dhaqan xumo sameeyay kulankii Genoa.

Milan ayaa weyn doonta Adil Rami, Van Ginkel, de Sciglio, Abate kuwaas oo dhamaan aan kasoo muuqan doonin kulankaan.

Mexes ayaa dib ugu laabanaya gurigii uu difaaca ka ahaa sanado ka hor ee Olympico isagoo haatan matalaya kooxda Ac Milan.

MA OGTAHAY:

Milan ayaa guul ka gaartay dhigeeda Roma in ka badan kooxaha kale ee Serei A-da iyadoo 71-jeer ka badisay 158-kulan oo ay ciyaareen labada kooxood.

Menez ayaa dhaliyay 8-gool, xili ciyaareedkan, iyadoo la xasuusto inuu sadex xili ciyaareed oo uu ku sugnaa Roma intii u dhaxeysay 2008-2011 uu dhaliyay 7-gool.

Roma ayaa laga dhaliyay 4-gool, labadii kulan ee ugu dambeysay horyaalka oo ay ku ciyaarto gurigeeda, halka 10-kii kulan ee ka horeeyay aan laga dhalin goolal intaas la eg.

Giallorossi wax guuldaro ah kalama kulmin Milan afartii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku kulmeen horyaalka, (2barbardhac iyo 2-guul).

Ac Milan ayaa kaliya hal guul gaartay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay booqato Olympico Stadium, markaasna waxey aheyd October 2011 markaas oo Milan ay ku badisay (3-2).

Roma guuldaro lama kulmin dhamaan kulamadii ay ku ciyaartay gurigeeda xili ciyaareedkaan 7-guul, iyo 1-barbaro (waxeyna kulan walba dhalinayeen ugu yaraan 2-gool).

Roma guul ma gaarin sadex kulan oo ay banaanka ku ciyaartay xili ciyaareedkaan (2-barbardhac iyo 1-guuldaro), waxaana goolal laga dhaliyay 10-kulan oo xiriir ah.

Markii ugu dambeysay oo ay Milan laba kulan oo ay banaanka kusoo ciyaarto aysan gool dhalin waxey aheyd Bishii May 2011.

Radja Nainggolan ayaa dhaliyay goolkisii sadexaad xili ciyaareedkaan kulankii ay Roma ka badisay Genoa, wuxuuna hal gool u jiraa rikoorkiisa goolasha ugu badan uu dhaliyo hal xili ciyaareed oo ah 4-gool.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

AS ROMA:

De Sanctis, Maicon, Astori, Yanga-Mbiwa, Holebas, Pjanic, Keita, De Rossi Totti, Gervinho, Ljajic

AC MILAN:

Lopez, Bonera, Mexes, Zapata, Armero, Menez, De Jong, Montolivo, Poli, Bonaventura, Honda

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>