Liverpool ayaa maanta ciyaareysa kulankeedii ugu horeeyay kulamada fasaxa waxeyna ku sugan tahay magaalada Bangkok ee dalka Thialand halkaas oo ay kula ciyaari doonaan koox laga soo xulay horyaalka heerka koowaad ee dalkaasi.
Wiilasha Branden Rodgers oo uu ka maqan yahay Raheem Sterling oo xaalad xun kooxda kaga haray gaaray isniitnii magaalada Bangkok halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn heerkeedu sareeyo.
Jamaahiirta Reds ayaa dhowraya maanta bandhigga ay soo bandhigaan wiilasha cusub ee kooxda Nathaniel Clyne, Danny Ings, Adam Bogdan iyo James Milner.
Liverpool waxey usii safri doonaa Brisbane iyo Adelaide oo Australia ah kadib kulankeeda maanta.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Thailand All Stars vs Liverpool
Tartanka: Kulamada Fasaxa
Garoonka: Rajamangala National Stadium
Magaalada: Bangkok
Saacadda: 4:00 Galabnimo (Xiliga Geeska Africa)
Liverpool ma heli doonto xidigaha reer Brazil ee Roberto Firmino iyo Coutinho kuwaas oo fasax ku maqan madama ay ka qeyb galeen tartanka Copa America.
Nasiib daro Jamaahiirta Reds ma arki doonaan maanta bandhigga saxiixooda ugu qaalisan xagaagan ee Firmino madama uusan kooxda la socon.
SHAXDA LIVERPOOL:
Labadaan Shax Ayey Macquul tahay Iney Reds ku ciyaarto maanta:
Mignolet; Clyne, Skrtel, Sakho, Moreno; Lucas, Milner, Henderson; Ibe,Ings, Lallana
Bogdan; Wisdom, Toure, Lovren, Gomez; Rossiter, Allen, Teixeira;Markovic, Origi, Lambert
saleebaankaafi : Liverpool
14-July-2015 at 1:49 pm
GUUUL LIVERPOOL CIYAARO XIISO badan ku soo naalooda viva Liverpool