Home » Falanqeynta » Hordhac: West Brom vs Liverpool: Reds Oo Looga Fadhiyo Iney Soo Nooleyaan Rajadooda Champions League-ga

Hordhac: West Brom vs Liverpool: Reds Oo Looga Fadhiyo Iney Soo Nooleyaan Rajadooda Champions League-ga


WestBrom_Liverpool

Liverpool waxey heysataa fursad ay kusoo ciriiriso Manchester City iyadoo hamigeedu yahay iney xiliga dambe kasoo qeyb gasho tartanka horyaalada yurub ee Champions League.

Liverpool guul ay gaarto maanta waxey dhibic qura u jirsiin doontaa kooxda Manchester City oo iyaduna maanta la ciyaari doonta kooxda Aston Villa xili ka dambeeya Liverpool.

Branden Rodgers ayaa cadaadiska uu kusii badan doonaa hadii uu guuldaro la kulmo kulanka maanta taasoo ay macquul noqon karto in laga ceyriyo Liverpool.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: West Brom vs Liverpool

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Hawthorns

Saacadda: 5:00 Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

West Brom ayaa weyn doonta goolhayaheeda Ben Foster kaas oo aan ciyaari doonin inta ka dhiman xili ciyareedkan, sidoo kale Craig Dawson.

Lucas Leiva ayaa laga yabaa inuu ganaax ku seego, sidoo kale Sturridge ayaa isna shaki la galinayaa waxaana sidoo kale wali dhaawac ah Adam Lallana.

MA OGTAHAY:

Inkastoo ay ku fashilantay iney 9-kii kulan ee ugu horeeyay ee EPL-ka ay gool ka dhaliso Liverpool, hadana 7-ka mid ah 8-deedii kulan ee ugu dambeysay shabaqeeda ayey taabatay.

Rodgers guul ayuu ka gaaray West Brom labadii kulan oo uu kaga horyimid Swansea, balse shan kulan oo uu ku wajahay Liverpool kaliya laba guul ayuu ka gaaray 2-guuldaro iyo hal barbaro.

Tony Pulis waligiis guuldaro makala kulmin Liverpool kulan ay marti u yahiin.

Steven Gerrard ayaa noqday xidiga 12-aad ee horyaalka EPL-ka kaas oo saftay 500-kulan hadii uu ciyaaro kulanka maanta, kaliya Ryan Giggs iyo Carragher ayaana ka horeeya kaliya xidigaha hal koox rikoorkaas ku sameeyay.

Hadii la xisaabin lahaa kaliya ciyaartoy ingiriiska ah goolasha ay dhaliyeen, waxey noqon laheyd hogaamiyaha EPL-ka iyadoo lahaan laheyd 65-dhibcood.

15-gool oo ka mid ah goolasha 18-ka ah oo uu Saido Berahino dhaliyay xagaagan tartamada oo dhan wuxuu ku dhaliyay garoonka Hawthorns.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

West Bromwich Albion:

Myhill, Olsson, McAuley, Lescott, Baird, Gardner, Fletcher, Yacob, Morrison, Berahino, Anichebe

 

Liverpool:

Mignolet, Can, Lovren, Skrtel, Moreno, Markovic, Gerrard, Allen, Henderson, Sterling, Coutinho

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>