Home » Falanqeynta » Hordhac: West Ham vs Chelsea: Farxadii Koobka Kadib Wiilasha Mourinho Oo Booqanaya Upton Park

Hordhac: West Ham vs Chelsea: Farxadii Koobka Kadib Wiilasha Mourinho Oo Booqanaya Upton Park


west-ham-vs-chelsea-asia

Chelsea ayaa gacanta ku heysata hal kulan oo muhiim u ah kaas oo u sahli kara iney ka yara fogaato kooxda Manchester City oo todobaadkaan bilowgiisii ku lumisay Liverpool gurigeeda.

Chelsea caawa waxey marti ku tahay Upton Park iyadoo rajeyneysa ineysan hoos u dhac sameyn walow wiilasha Mourinho ay farxadi ka muuqato madam aay ku guuleysteen Capital One Cup.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: West Ham vs Chelsea

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Upton Park

Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

West Ham dhaawacyo cusub masoo gaarin ciyaartoydeeda inkastoo ay weyn doonaan Carroll iyo Cole oo mudo dheer garoomada ka maqan, Sam Allardyce ayaana laga yaabaa inu shax rogaal sameeyo isagoo kusoo bilaabaya Almafitano.

Dhanka kale Mikel ayaa dhaawac jilibka ah uga maqan Blues, sidoo kale Matic ayaa dhaawacan, Zouma ayaana loo isticmaali doonaa dhexda hadii uu sameeyo sidii kulankii Spurs, Cuadrado iyo Oscar ayaana filanaya iney kusoo bilowdaan.

MA OGTAHAY:

West Ham ayaa kaliya hal guul gaartay 8-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay Chelsea la ciyaartay dhamaan tartamada oo dhan.

Sidoo kale West Ham waxey guul gaartay hal kulan kaliya, 10-kii kulan ee ugu dambeeyay EPl-ka.

Chelsea wax guuldaro ah lama kulmin lixdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka, iyadoo 2-gool dhalineysay sadexdii kulan oo ay banaanka kusoo ciyaartay.

West Ham wax gool ah kama dhalin Chelsea afartii kulan ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo dhan.

Diafra Sakho ayaa ah xidiga ugu goolasha badan West Ham isagoo dhaliyay 9-gool, horyaalka.

Diego Costa ayaa laba jeer wax u dhaw ka badan goolasha Sakho isagoo dhaliyay 17-gool.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

West Ham (4-3-1-2)

Adrian, Jenkinson, Tomkins, Reid, Cresswell, Noble, Song, Kouyaté, Downing, Sakho, Valencia.

Chelsea (4-2-3-1)

Courtois, Ivanovic, Cahill, Terry, Luis, Zouma, Fabregas, Cuadrado, Oscar, Hazard, Costa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>