West Ham ayaa Upton Park kusoo dhaweyn doonta kooxda Man United, xili kooxda uu hogaamiyo Sam Allardyce ay dooneyso iney kasoo kabato guuldaradii Liverpool ee todobaadkii hore, halka wiilasha Louis Van Gaal ay doonayaan iney sii wataan guulahooda.
Man United waxey fursad u heysataa iney ku dhawaato kaalinta labaad ee horyaalka iyadoo guul ay gaarto ay ka saacidi karto iney sadex dhibcood oo qura u jirsadaan xifaaltamayashooda magaalada Manchester.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: West Ham vs Man United
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Upton Park
Saacadda: 7:15 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
West Ham dhibaatooyin badan oo xaga dhaawacyada ayey qabaan madama Reid iyo Collins ay muruqa ka xanuunsanayan sidoo kalana Jenkinson iyo Tomkins ayaa iyaguna dhaawacyo qaba, halka Andy Carroll isna uu dhaawac dhanka jilibka ah qabo.
Dhanka kale Micheal Carrick ayaa ka maqan kooxda Man United kaas oo dhaawac qaba, sidoo kalana ma jiro xidig kale oo dhaawac kaga maqan kooxda Man United.
MA OGTAHAY:
Wayne Rooney ayaa ka dhaliyay West Ham 10-gool, 9-kii kulan ee ugu dambeeyay oo uu ka hor yimaado kulamada horyaalka.
West Ham ayaa ah kooxda ugu badan ee goolasha madaxa ah dhalisay 14-gool ayey ku dhaliyeen.
West Ham kaliya hal jeer ayey guuldaro la kulantay dhamaan 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda ku ciyaartay.
Manchester United wax guuldaro ah sooma gaarin lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay banaanka kusoo ciyaartay
West Ham ayaa ah kooxda labaad ee ugu badan ee dhalisa kubadaha koornada laga keeno, kaliya Chelsea ayaa ka badan. (7-gool ayeyna ku dhaliyeen).
Manchester United kaliya hal jeer ayey guuldaro la kulantay 20-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay u safartay magaalada London.
KULAMADII UGU DAMBEEYAY LABADA KOOXOOD:
2014/2015 Sat 27 Sep Man. Utd 2 – 1 West Ham
2013/2014 Sat 22 Mar West Ham 0 – 2 Man. Utd
2013/2014 Sat 21 Dec Man. Utd 3 – 1 West Ham
2012/2013 Wed 17 Apr West Ham 2 – 2 Man. Utd
2012/2013 Wed 28 Nov Man. Utd 1 – 0 West Ham
2010/2011 Sat 02 Apr West Ham 2 – 4 Man. Utd
2010/2011 Sat 28 Aug Man. Utd 3 – 0 West Ham
LINE UPKA MACQUULKA AH:
WEST HAM:
Adrian; O’Brien, Demel, Song, Cresswell; Noble; Amalfitano, Nolan; Downing; Sahko, Valencia
MANCHESTER UNITED:
De Gea; Valencia, Jones, Rojo, Shaw; Blind, Mata, Di Maria, Rooney; Van Persie, Falcao