Home » Maxaa Cusub » Hugo Lloris Oo Shuruud Adag Ku Xiray Joogitaanka Tottenham Marka Uu Xili Cayaareedkan Dhamaado

Hugo Lloris Oo Shuruud Adag Ku Xiray Joogitaanka Tottenham Marka Uu Xili Cayaareedkan Dhamaado


Lloris

Goolhayaha reer France Hugo Lloris ayaa kaga baxay balanka kooxdiisa wuxuuna sheegay inuu xagaagan go’aan ka gaari doono mustaqbalkiisa halka markii hore la sheegay inuu Spurs sanado badan baaqi kusii ahaan doono.

Hugo Lloris ayaa hadalkiisa cadeestay wuxuuna sheegay inuu xili cayaareedka dambe rabo cayaarista koobka horyaalada Yurub hadii Tottenham ay ka mid noqon weyso 4-naadi ee ugu sareeyo Premiership-ka inta harsan xili cayaareedkan xidigan kooxdiisa wuu isaga tagi doonaa.

Lloris ayaa sheegay inuu kooxdiisa Tottenham ka caawin doono 5-kulan ee ka harsan Premiership-ka England inay kaalinta 4-aad ku guuleestaan hadii ay u suura gali weyso xidigan wuxuu doonayaa inuu garoonka White Hart Lane isaga dhaqaaqo.

Warar dheeraad ah ayaa sheegayo in goolhaye Hugo Lloris uu dalab ka helay kooxda Man United sidoo kalena uu booska goolhaye David De Gae gali doono xagaagan.

28-jirkan sidoo kalena kooxda Paris Saint-Germain ayaa xiiso gaar ah u qabto inay waaya aragnimadiisa ka faa’iideesato mana diidi doono Lloris inuu dib ugu laabto Ligue 1 France.

Kooxda Tottenham qiimo jaban xidigan kuma fasixi doonto waxayna ku dooneysaa in ugu yaraan 30-milyan oo pound looga iibsado midaas oo adkeyn doonto bixitaankiisa xagaagan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>