Weeraryahanka kooxda Paris Saint Germain Zlatan Ibrahimovic ayaa ka dhawaajiyay shaqsiga uu u arko inuu yahay ciyaariyahanka ugu fiican kubada cagta waqti walba.
Kabtanka Xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa amaanay halyeeygii hore reer Brazil Luis Nazario De Lima Ronaldo kaas oo xaadir ahaa kulankii ay PSG guusha ka gaareysay Nice sabtidii.
Zlatan ayaa soo galiyay aaladaha ay bulshada ku xariirto sawir uu kula jiro Ronalddo (R9) xili labadaan masuul laga casuumay aqalka madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy.
Ibrahimovic ayaa sawirka uu soo galiyay kusoo qoray: “Tani waa tii ugu fiicneed ee dhacday habeen hore, xidiga ugu fiican waqti walba waa Ronaldo (R9)”
Dhanka kale Ibrahimovic ayaa wareysi uu dhawaan siiyay Sports Illustrated ku sheegay in Ronaldo kaas oo ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or 1997 iyo 2002 uu yahay shaqsiga uu ku daydo ahna weeraryahanka kaliya ee dhameystiran.