Home » Horyaalada » italian Serie A » Iker Casillas “Buffon Waa Shaqsiga Igu Dhiiri Galiyay Inaan Kubada Cagta Heer Sare Ka Gaaro”

Iker Casillas “Buffon Waa Shaqsiga Igu Dhiiri Galiyay Inaan Kubada Cagta Heer Sare Ka Gaaro”


Buffon-Casillas490epa

Goolhayaha sidoo kalena ah kabtanka xulka Spain Iker Casillas ayaa ka dhawaajyay inuu kubada cagta heerka uu gaaray sabab u yahay saaxiibkiis Giggi Buffon sidoo kalena uu marwalbo jeclaa inuu heerka Buffon oo kale gaaro.

Labadan xidig waa labo shaqsi oo guusha saaxiib la ah sidoo kalena inka badan 300-kulan oo heer caalami ah ayay cayaareen isk darkooda dhanka xulalka.

Casillas oo la hadlaayay website-ka UEFA wuxuu yiri “Buffon waxaan u hayaa xushmad weyn sidoo kalena waa laacib marwalbo aan jeclahay inaan ku daydo”

“Heerka aan maanta taaganahay isaga ayaa sabab u ah madaama uu marwalbo ii yahay shaqsi i dhiiri galiyo waayo waxa u qabsoomay isaga ayaan jeclahay inay anigana ii qabsoomaan”

“Aniga iyo asiga isku mid ayaan nahay waayo 17-sano iyo 18-sano ayaan ku bilaawnay inaan saaxada garoomada kasoo muuqano welina waxaan nahay labo shaqsi oo heer sare cayaari karaan waana darajo inoo gaar a”

“Marwalbo oo aan fursad isku helno waan wada sheekasanaa waxaana nahay labo shaqsi oo saaxiibo ah mana nihin labo qof oo xifaaltan ka dhaxeeyo”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>