Lama filaan kubad qaabeeyaha xulka Jarmalka Ilkay Gundogan ayaa go’aankiisa badalay wuxuuna aqbalay inuu kooxdiisa Dortmund heshiis cusub u saxiixo.
Inkastoo siweyn loo hadal haayay in Ilkay Gundogan uu Dortmund isaga hayaami doono hadana laacibkan khadka dhexe ku wanaagsan ayaa doortay inuu kooxdiisa heshiis cusub u saxiixo wuxuuna garoonka Sigan Iduna Park kusii sugnaan doonaa ilaa sanada 2017.
Ilkay Gundogan waxaa ku raad joogeen kooxaha Man United, PSG, Barcelona, Bayern Munich iyo Arsenal balse wuxuu doortay inuu kooxdiisa kasii mid ahaado.
Tilaabada uu qaaday Ilkay Gundogan ayaa ka dhigan in magaciisa aan markale suuqa Yurub lagu sii heyn doonin.
Ilkay Gundogan heshiiska uu Dortmund kula joogay ayaa ka harsanaa mud 12-bilood ah wuxuuna ku ekaa xagaaga dambe 2016 balse haatan sanad dheeri ah ayuu qandaraaskiisa ku daray wuxuuna lasii joogi doonaa kooxdiisa ilaa xagaaga 2017.
Agaasimaha kooxda Dortmund Michael Zorc ayaa ku tilmaamay tilaabadan mid lagu faani karo madaama ay Ilkay Gundogan ka ceshteen dhamaan kooxaha Yurub ugu caansan oo siweyn qal qaalo ugu jireen saxiixiisa.