Home » Maxaa Cusub » Imaashaha Schweinesteiger Kama Dhigno In Man United Ay Soo Xero Galinta Morgan Schneiderlin Hakin Doonto

Imaashaha Schweinesteiger Kama Dhigno In Man United Ay Soo Xero Galinta Morgan Schneiderlin Hakin Doonto


Morgan Schneiderlin

Kooxda Man United waxay heshiis 3-sano ah la gaartay halyee Bastian Schweinester oo aqbalay inuu garoonka Old Trafford mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato.

Balse midaas kama celin doonto Man United inay lasoo saxiixato Morgan Schneiderlin oo ay dadaal ugu jirto soo xero galinta xidigan khadka dhexe ku wanaagsan.

Wargeska The Guardian ayaa sheegay in macalin Luis Van Gaal uu ka dalbaday maamulka Man United ina dar dar galiyaan heshiiska Morgan Schneiderlin lagu keenayo garoonka Old Trafford.

Macalin Van Gaal wuxuu doonayaa in kooxdiisa ay xili cayaareedka cusub u tartanto ku guuleysiga tartamada muhiimka ah sida Premier League iyo Champion-ka sidaa darteed Schweinesteiger iyo Morgan Schneiderlin inuu khadka dhexe ku xoojiyo ayuu doonayaa.

Man United waxay dooneysaa inay sare u qaado qiimaha ay ku dooneyso Morgan Schneiderlin madaama markii hore dalab £20m ay kooxda Southampton.

25-jirkan ka tirsan xulka France waxay Man United dooneysaa inay lasoo saxiixato todobaadkan gudahiisa madaama macalin Luis Van Gaal uusan rabin in kooxdiisa waqti badan suuqa Yurub xagaagan uga lumo.

Dhinaca kale The Telegraph ayaa sheegay in Southampton ay Morgan ku dooneyso £25m taasi oo ku qasbi doonto Man United inay si dhaqsi ah lacagahn ku bixiso waayo Arsenal ayaa dhankeeda Southampton ku wargalisay inay diyaar ula tahay lacagaha Morgan la dul dhigay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>