Home » Horyaalada » italian Serie A » Inter Milan Iyo Mauro Icardi Oo U Dhaxeeyo Farqi €1m Si Uu Heshiis Cusub Qalinka Ugu Duugo

Inter Milan Iyo Mauro Icardi Oo U Dhaxeeyo Farqi €1m Si Uu Heshiis Cusub Qalinka Ugu Duugo


icardi-ears490epa_0

Wararka ka imaanayo dalka Talyaaniga ayaa sheegayo in kooxda Inter Milan iyo weeraryahankeeda Mauri Icardi uu haatan soo kala dhex galay xurguf lama filaan ah taasi oo sababtay inuu dib u dhac ku yimaado heshiiskii uu qalinka ku duugi lahaa.

Xogta la helaayo ayaa ah in labada dhinac uu haatan u dhaxeeyo farqi €1m oo uu xidiga reer Argentina dalbanaayo in mushaarkiisa loogu daro balse Inter ayaa ka diidan.

Weeraryahankan haatan wuxuu ka mid yahay xidiga mushaarka ugu yar Inter ka qaataan madaama sanad walbo la siiyo €800,000 balse uma qalmo waayo xili cayaareedkan 13-gool ayuu Inter u dhaliyay asigoo u saftay 22-kulan Serie A-da.

Balse Sportmediaset ayaa sheegay in Icardi uu haatan kooxdiisa Inter Milan ka dalbaday inay sanad walbo siiso €3m si uu ula mid noqdo xidigaha Rodrigo Palacio iyo Nemanja Vidic.

Balse Inter ayaa iska diiday codsiga xidigan waxayna u sheegtay inay diyaar ula tahay €2m sidoo kalena uu qalinka ku duugo heshiis waqtigiisa dheer yahay.

Balse Icardi ayaa iska diiday dalabka kooxdiisa Inter Milan waxayna midaan sababi kartaa inuu xagaaga nagu soo fool leh San Serio isaga tago madaama kooxaha Chelsea iyo Liverpool diyaar ula yihiin mushaar uusan waligiis niyada gashanin.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>