Home » Horyaalada » italian Serie A » Inter Milan Oo Amaah Kula Wareegi Doonta Steven Jovetic Kadib Markii Ay Manchester City Kala Heshiiyeen

Inter Milan Oo Amaah Kula Wareegi Doonta Steven Jovetic Kadib Markii Ay Manchester City Kala Heshiiyeen


1416674314133_Image_galleryImage_Stevan_Jovetic_of_Manches

Inter Milan ayaa ku warantay iney kooxda Manchester City kala heshiisay arinta Steven Jovetic kaas oo ay ku qaadan doonaan amaah, inkastoo ay dooq u heystaan iney 15 Malyan oo Euro kula saxiixdaan sidoo kalana ay raaci doonaan gunooyin aan la shaacin.

Sida ay shaacisay Sky Sports wadahadalada labada kooxood u dhaxeeya ayaa maraya gabogabo, waxaana la filayaa in arinta xidigaan lasoo afjaro saacadaha soo socda.

Steven Jovetic wuxuu kooxdiisa ka waayay boos joogto ah waana sababta ugu weyn ee uu xidigaan uga tagayo Etihad Stadium, labada kooxood ayaana ka heshiiyay arintiisa.

Jovetic ayaa amaah qasab ah ugu biiri doona Inter Milan iyadoo sidoo kale ay kooxda ka dhisan Sansiro iibsan karto, waxaana la filayaa in todobaadkaan gudahiisa uu ka dago Sansiro.

Si kastaba Roberto Mancini ayaa si gaar ah u dalbaday in xidigaan reer Montanegro la keeno kooxda Inter Milan oo horay ula soo saxiixatay Miranda iyo Kondogbia.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>