Home » Horyaalada » Bundesliga » Inter Milan Oo Dabagal Xoogan Ku Heyso Weeraryahank Naadiga Dortmund Aubameyang

Inter Milan Oo Dabagal Xoogan Ku Heyso Weeraryahank Naadiga Dortmund Aubameyang


Joie Pierre Emerick Aubameyang

Kooxda Inter Milan ayaa bilaawday inay si gaar ah ugu kuur gasho weeraryahanka naadiga Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang.

Xidigan u dhashay dalka Gabon ayaa ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa wuxuuna kusoo baxay gool dhaliye ay ku tiirsan tahay naadiga Dortmund sidaa darteed Inter ayaa saraakiil sare u dirtay dalka Jarmalka s ay qaab cayaareedka xidigan ugu kuur gulaan.

Sidoo kale Corriere dello Sport ayaa sheegay in Inter ay weeraryahankan lasoo saxiixan doonto marka uu xili cayaareedkan soo idlaado waxayna ku dooneysaa 20-milyan oo euro  ah.

Aubameyanga si wacan ayuu xili cayaareedkan ula qabsaday kooxdiisa Dortmund waana sanadkii labaad ee uu ka cayaaro Bundesligaha Jarmalka.

Dhawaan macalin Dortmund Jurgen Klopp ayaa sheegay in xidigan laga saxiixi doono heshiis waqtigiisa dheer yahay balse Inter ayaa dooneyso ka hor inta aan tilaabadan la qaadin inay wakiilka xidigan la xariirto kana dhaadhiciyaan inuu Serie A-da usoo dhaqaaqo xili cayaareedka dambe.

Sidoo kale Aubameyang qaar ka dhigan kooxaha England ayaa ku raad joogaan sida Liverpool iyo Tottenham.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>