The Mirror ayaa sheegay in wada hadaladii heshiis cusub Liverpool kaga saxiixa laheyd Martin Skrtel uu bur bur ku yimid haatana xidigan go’aan u dan ah ayuu qaadan doonaa marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.
Wararka laga helaayo magaalada Milan ayaa sheegayo in kooxda Inter Milan ay dalka England usoo dirtay saraakiil la xajoodaan Skrtel iyo wakiilkiisa waxayna diyaar ula tahay xidigan Inter Milan mushaarka uu niyada ku haayo.
Inter Milan waxay ku guul dareesatay saxiixa daafaca naadiga Dynamo Kiev Aleksandar Dragovic kaasi oo kooxdiisa dul dhigtay qiimo aad u sareeyo.
Sidaa dareed Inter ayaa haatan usoo jeesatay inay Martin Skrtel si fudud kusoo qaadato waayo 30-jirkan qandaraaska uu Liverpool kula joogo ayaa ku eg sanada dambe bartamhiisa waxayna Liverpool ku qasban tahay inay dalabka Inter aqbasho.
Skrtel ayaa ka mid ah xidigaha mudada dheer Anfield ku sugnaa balse waxay haatan taageerayaasha Liverpool qabaan cabsi xoogan oo ku aadan inay daafacooda ugu muhiimsan lumin doonaan.
The Mirror ayaa sadaalinaayo in xagaagan Liverpool ay weyn doonto labo ka mid ah xidigaha ugu waaya aragsan Steven Gerarrd oo qandaraaskiisa dhamaaday iyo Skrtel oo gadoodsan.