Wargeska Daily Express ayaa qoray warbixin la isku haleen karo taasi oo sheegeyso in kooxda Inter Milan ay isku diyaarineyso inay la saxiixat xidiga reer Masar ee haatan ku ja wareersan naadiga Chelsea Mohamed Salah.
Salah mudo 11-biloo ayuu ku sugan yahay garoonka Stamford Bridge inkastoo uu leeyahay farsamo ku filan hadana kama mid ahan xidigaha uu macalin Jose Mourinho ku kalsoon yahay midaasna waxay keentay in kursiga keydka uu saaxiib la noqdo.
Balse xili cayaareedkan Salah hoos u dhac xoogan ayuu muujiyay weliba kulamadii Carling Cup ee uu macalin Jose Mourinho kusoo bilaabay bandhig wanaagsan ma uusan muujinin sidaa darteed Inter Milan si sahlan ayay ku heli kartaa xidigan tayada wanaagsan.
Chelsea waxay Salah £11m kaga soo iibsatay naadiga FC Basel sidaa darteed Inter waxay ku heli kartaa qiimo ka jaban midkaan oo lagu sheegay £8M.
Waxaana laacibkan si gaar ah u dalbaday macalin Roberto Mancini oo dib ugu soo laabtay hogaanka sidoo kalena doonayo inuu kooxdan safka hore ee Serie A-da dib ugu soo celiyo.