Home » Horyaalada » italian Serie A » Inter Milan Oo Heshiis La Gaartay Daafaca Xulka Brazil Iyo Naadiga Atletico Madrid Miranda

Inter Milan Oo Heshiis La Gaartay Daafaca Xulka Brazil Iyo Naadiga Atletico Madrid Miranda


Mirana

Daafaca waaya araga ah Joao Miranda ayaa lagu wadaa inuu soo afjaro mudo 4-sano ah ee uu naadiga Atletico Madrid ka tirsanaa madaama uu heshiis la gaaray kooxda Inter Milan.

Kooxda Atletico Madrid ayaa aqbashay dalabka Inter Milan oo lagu sheegay €15 million sidaa darteed Miranda xagaagan ayuu rasmi ah naadiga reer Talyaani kaga mid noqon doonaa.

30-jirkan marka uu tartanka Copa America ee uu xulka Brazil kala qayb qaadanaayo soo dhameesto wuxuu Inter Milan u saxiixi doonaa heshiis 3-sano ah asigoo ku shaqeyn doono €2.7m xili cayaareed walbo.

Miranda mudada 4-sano ahayd ee uu Atletico Madrid ka tirsanaa wuxuu kula guuleestay koobab muhiim ah sida La Liga, the Copa del Rey iyo the Europa League.

Balse xagaagan Serie A-da Talyaaniga ayuu ka hawl gali doonaa waxaana lagu wadaa inuu xaliyo dhibaatada Inter Milan dhanka daafaca ka heesato.

Xidigan waaya araga ah ayaa noqon doono laacibkii ugu muhiimsanaa oo ay xagaagan kooxda Inter Milan lasoo saxiixato wuxuuna qayb ka noqon doonaa kooxda macalin Roberto Mancini ee la doonayo in dib u dhis weyn lagu sameeyo inta uu suuqa Yurub furnaan doono.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>