Madaxweyne Ku Xigeenka kooxda Inter Milan Javier Zanetti ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa la xiriirinaya iney dib usoo ceshaneyso Mario Balotelli marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wuxuuna qiray inuusan qorshaha ugu jirin xidigaan reer talyaani.
24-jirkaan ayaa haatan ku sugan kooxda Liverpool isagoo 16 Malyan Oo Pound kala soo saxiixatay kooxda Ac Milan, balse xidigaan wuxuu ku fashilmay inuu shabaqa soo taabto 10-kulan oo horyaalka Premier League-ga ah oo uu ciyaaray.
Si Kastaba, Inter Milan ayaa xidigaan lala xiriiriyay inuu dib ugu laaban doono Sansiro oo ah halkii uu kubada cagta kasoo bilaabay, balse Javier Zanetti ayaa warkaaas beeniyay.
“Inuu Balotolli soo laabto? Waan ognahay in Balotelli uu yahay xidig weyn, balse waa dhibaato inaan lasoo saxiixano madama uu haatan dhaw tagay Liverpool” Zanetti oo Balotelli garoon lasoo galay ayaana sidaas u sheegay Sky Sports Italia.
Mario Balotelli ayaa dhaliyay kaliya 2-gool, 14-kulan oo uu u saftay kooxdiisa Liverpool, inkastoo haatan uu qarka u saaran yahay inuu xidigaan gudoomo ganaax laba kulan ah kadib hadaladii uu liddiga ku ahaa Yuhuudda oo uu soo galiyay Internet-ka.