Home » Horyaalada » italian Serie A » Inter Milan Oo Iska Diiday Qorshe Ahaa In Balotelli & Kovacic La Isku Badasho Waxaana Waday Liverpool

Inter Milan Oo Iska Diiday Qorshe Ahaa In Balotelli & Kovacic La Isku Badasho Waxaana Waday Liverpool


Balotelli

Corriere dello Sport ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Liverpool ay guuldaro kala kulantay qorshe ay rabtay inay dhigeeda Inter Milan ku raacdo.

Qorshahaas wuxuu ahaa in Liverpool Mario Balotelli looga badaso Mateo Kovacic balse Inter Milan ayaa qorshahan iska diiday waxayna Inter ku tilmaantay isku daygaan mid aan laga fiirsanin.

Kooxda Liverpool waxay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii ay Mateo Kovacic xagaagan gacanta ugu soo dhigu laheyd madaama uu xidigan buuxin karo booska Steven Gerrard baneeyay.

Sidoo kale warbixin kale ayaa sheegtay in Liverpool ay dhigeeda Inter Milan u gudbisay dalab ah €22.6M iyo €2M oo ay gadaal ka bixin doonto si Kovacic xagaagan looga iibiyo.

Balse milkiilaha Inter Milan Erik Thohir ayaa Liverpool ku wargaliyay wax ka yar €30m aan laga aqbali doonin.

Sidaa darteed Liverpool labadii qorshe oo ay Inter Milan ula tagtay wey ku guul dareesatay waxay ku qasbanaan doontaa inay sare u qaado lacagaha ay Kovacic ku dooneyso ama ay xidigo kale suuqa Yurub ka baadi goobto.

Mateo Kovacic oo ka mid ah xidigaha Serie A-da ugu wanaagsan sidoo kale kooxaha Barcelona iyo PSG ayaa dabagal ku hayaan inkastoo weli aysan dalab rasmi ah labadan naadi Inter Milan u gudbinin.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>