Kooxda Inter Milan ayaa qal qaalo xoogan ugu jirto sidii ay ku heli laheyd labada xidig ee garoonka Stamford Bridge looga baahneyn John Obi Mikel iyo Juan Cuadrado.
Daily Mail ayaa sheegay in Inter Milan ay dhigeeda Chelsea wada hadalo la furtay waxayna dooneysaa in Mikel iyo Cuadrado qiimo jaban xagaagan looga iibiyo.
Obi Mikel si sahlan ayay Inter ku heli kartaa maadama laacibka reer Nigeria ay kooxdiisa Chelsea u sheegtay inuu suuqa ka baadi goobo naadigii uu ku biiri lahaa.
Waxayna Inter Milan Mikel ku qaadan kartaa wax ka yar 10-milyan oo pound waana qiimo lacageed oo ay kooxda reer Talyaani bixin karto.
Balse Inter uma sahlanaan doonto inay Cuadrado qiimo jaban ku hesho waayo Chelsea bilawgii sanadkan xidigan waxay £23.8m kaga soo iibsatay naadiga Fiorentina.
Madaama uu 27-jirkan ku fashilmay Premiership-ka England wuxu diyaar u yahay inuu Serie A-da dib ugu laabto madaama uu waqti wacan kusoo qaatay.
Qorshaha Inter ayaa ah in marka hore Cuadrado amaah lagu siiyo hadii uu anfacana ay ku iibsato 15-milayn oo pound balse weli Chelsea kama jawaabin dalabka Inter ku dooneyso inay Cuadrado ku qaadato.