Home » Horyaalada » italian Serie A » Inter Milan Oo Kulan La Qaadan Doonto Stevan Jovetic Iyo Wakiilkiisa Maalmaha Nagu Soo Fool Leh

Inter Milan Oo Kulan La Qaadan Doonto Stevan Jovetic Iyo Wakiilkiisa Maalmaha Nagu Soo Fool Leh


Stevan Jovetic

Wararka ka imaanayo dalka Talyaaniga ayaa sheegayo in kooxda Inter Milan ay kulan la qaadan doonto weeraryahanka Man City Stevan Jovetic iyo wakiilkiisa.

Xidigan u dhashay dalka Montenegro ayaa ka mid ah laaibiinta garoonka Etihad laga diri doono sidaa darteed Inter Milan ayaa u heelan inay Jovetic dib ugu soo celiso Serie A-da Talyaaniga.

Kulan hordhac ah ayay horey u qaateen saraakiisha Inter iyo wakiilka xidigan haatana waxaa kulankan dhameestiri doono Jovetic oo diyaar u ah inuu garoonka San Serio usoo dhaqaaqo.

Stevan Jovetic kaliya 17-kulan ayuu kooxdiisa Man City u cayaaray xili cayaareedkan haatana kama mid ahan xidigaha mustaqbalka fog Man City dooneyso inay lasii joogaan.

Weeraryahankan horey ugu cayaari jiray naadiga Fiorentina ayaa doonayo inuu xili cayaareedka dambe ka hoos shaqeeyo macalin Roberto Mancini oo boos joogto ah u baan qaaday.

Balse Inter Milan waxaa caqabad ku ah qiimaha 25-milyan o euro ah kaasi oo ay kooxdiisa Man City xidigan madaxiisa dul dhigtay.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>