Xidiga reer Masar Mohamed Salah ayaa la sheegay inuu kusii dhawaanayo ku biiritaanka kooxda Inter Milan oo sare u qaaday qiimaha ay ku dooneyso.
Salah ayaa bilawgii sanadkan amaah kula biiray naadiga Fiorentina wuxuuna wacdaro ka dhigay Serie A-da sidoo kalena wuxuu doonayaa inuu horyaalka Talyaaniga baaqi kusii ahaado.
Sidaa darteed warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Inter Milan ay Salah ku qaadan doonto £12m waana qiimo lacageed oo ay diyaar u tahay kooxda milkiyadiisa iska leh Chelsea inay aqbasho.
23-jirkan ayaa 9-gool Fiorentina u dhaliyay asigoo u saftay 26-kulan balse naadiga Violla diyaar uma ahan inay £12m ku iibsato Salah oo sanadkan hormar wanaagsan sameeyay.
Mohamed Salah ayaa haatan fasaxa xagaagan ku maqan balse hal mid ayuu ka dhawaajiyay taasi oo ah inuusan rabin inuu markale macalin Jose Mourinho ka hoos cayaaro.
Sidaa darteed warbixintan ayaa lagu sheegay in Inter Milan iyo Chelsea ay mustaqbalka Salah ka wada hadli doonaan maal maha nagu soo fool leh.
Macalin Roberto Martinez ayaa Salah taageero u ah wuxuuna doonayaa inuu xili cayaareedka dambe xidigan dadaalkiisa sareeyo lasoo shirtago.