Kooxda Inter Milan ayaa diyaar u ah inay laacibkeeda dhalinta yar Mateo Kovacic ka samarto si ay u hesho ruug cadaa Yaya Toure.
Sidaa darteed waxaa la sheegay in Inter ay dhigeeda Man City ku wareejin doonto Mateo Kovacic iyo lacago si ay Toure kaga hesho waxaana qorshahan gadaal ka riixayo macalin Roberto Mancini.
Dhanka kale Tuttosport ayaa sheegay in Inter ay xagaagan marka hore iibin doonto Kovacic kadib lacagaha ay ka hesho kula soo saxiixan doonto.
Waxaana xidigan dhalinta yar ku raad joogto naadiga Liverpool oo si adag u baadi goobeyso, waxayna Inter Milan ku dooneysaa €30m.
Hadii lacagahaas ay iibka Kovacic ka hesho waxay kooxdan lacagahan u adeegsan doontaa soo xero galinta Yaya Toure oo laacib waaya araga ah.
Waa hubaal in Inter ay qiimo fiican ku heli doonto Mateo Kovacic xagaaga nagu soo fool leh waayo xidigan kooxo badan ayaa ku raad joogaan sida Arsenal iyo Barcelona.